Maxuu Qabtay Taliye Ku-xigeenka NISA G/Sare Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) Intii Uu Xilka Ku-Simaha Taliyaha Hayay..?

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa u oo jirsatay 48-sanno iyadoo la aasasay 8-dii Janaayo 1970-kii, ayaa ah Hay’adda ugu shaqada badan xaga ammaanka dalka Soomaaliya.

Bishii April 6, 2017 ayay aheyd markii Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA loo magacaabay Cabdullaahi Maxamed Cali “Sanbaloolshe” iyadoo kadib Qaraxyo xoogan iyo ammaan daro baahsan oo Muqdisho kusoo kororday oo ugu darnaa kii ka dhacay Isgoyska Soobe ee Muqdisho oo Dad badan ku dhinteen kadib Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Abuukar Ducaale (Islow) uu 29 Oktoobar 2017 Golaha Wasiiradda ka codsaday in xilka laga qaado Taliyaha NISA Cabdilaahi Sanbaloolshe ay u codeeyeen Golaha Wasiiradda in XILKA laga qaado.

Kadib xil ka qaadista Taliye Sanbaloolshe ayaa waxaa xilka si KMG ah loogu wareejiyay inuu Ku-simahii Hay’ada NISA uu noqdo Taliye ku-xigeenkii Hay’adaasi G/Sare Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) kaasoo hayay muddo 120 maalmood ka badan ilaa shalay Golaha Wasiiradda ay ansixiyeen in Taliyaha NISA loo magacaabo Xusseen Cusmaan Xusseen oo hore u ahaa Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka Soomaaliya ahaana Xildhibaan ka tirsan Barlamaanka Soomaaliya oo Baydhabo laga soo doortay.

120-maalmood ka badan ee uu xilka Taliyaha NISA si KMG ah u hayay G/Sare Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa si weyn waxaa ugu diirsaday Bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho isagoo si weyn ugu shaqeeyay sidii Hay’adaasi oo ah Hay’ada ugu balaaran ee ammaanka dalka gaar ahaan Muqdisho faraha ku haysa Ciidamadeeda u shaqeyn lahayeen habeen iyo maalin kuwaasoo fashiliyay Qaraxyo iyo Dilal qorsheysan oo Kooxda Argagaxisada al-Shabaab ka damacsanaayeen qeybo kamid ah Muqdisho iyo deegaanada ku dhow-dhow, iyadoo intii uu xilkaasi uu hayay uusan wax Qarax ah ka dhicin Muqdisho oo ammaanka uu noqday mid la isku haleyn karo 100% wax cabsi ahna aysan dareemin Bulshada ku dhaqan Muqdisho.

G/Sare Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo ah Sarkaal Dhalinyaro  Aqoonyahan ah isla markaana Aqoon wanaagsana u leh howlaha Sirdoonka ayaa dadaal weyn waxuu saaray sidii Shacabka Muqdisho ku dhaqan si Nabad ah ugu noolaan lahaayeen isagoo dardar xoogan galiyay ciidamada Hay’ada NISA isla markaana inta badan lagu arkayay qeybo kamid ah Muqdisho isagoo Ciidamo ammaanka sugaya wata oo la howl-galaya ciidamadaasi si ammaanka loo xaqiijiyo.

G/Sare Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) intii uu xilka Taliyaha NISA sida KMG ah u hayay waxuu ka hor-tagay oo burburiyeen ciidamada ka amar qaata Qaraxyo aad u waa weyn oo Argagaxisada al-Shabaab Muqdisho la damacsanaayeen, waxuuna amray howl-galo balaaran oo gudaha Muqdisho lag usoo dhex-qabtay Saraakiil sar-sare oo al-Shabaab ka tirsan kuwaasoo damacsanaa hagar-daamada Shacabka Soomaaliyeed.

Ku-simahii Taliyaha ahna Taliye ku xigeenka HSNQ G/Sare Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa sanadguurada 48-aad ee NISA hadal uu ka jeediyay waxuu sheegay inay NISA si weyn ugu shaqeysay maalmihii uu xilka hayay sidii Qarax dambe aysan Argagaxisada ugu geysan lahayn Muqdisho isagoo sheegay inay Juhdi weyn galiyeen ka hortaga Argagaxisada isla markaana ay fashiliyeen falal dhowr ah oo al-Shabaab la damacsanaayeen inay ku waxyeeleeyaan Shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan, waxuuna sheegay inuu ciidamada NISA amar ku siiyay inay Shacabka Soomaaliyeed kuwaada taagta daran Caawiyaan sida Caruurta iyo Waayeelka taasoo si weyn ugu riyaaqeen Shacabka Soomaaliyeed.

Taliye Jaamac waxuu hoosta ka xariiqay inay ka go’an tahay inay soo afjaraan al-Shabaab oo guud ahaan dalka ka tirtiraan meel walba oo ay ku dhuumanayaan kasoo saari doonaan taasoo cabsi weyn ku abuurtay Argagaxisada al-Shabaab oo gumaad aan loo nixin u geysan jiray Shacabka reer Muqdisho ka hor inta uusan Ku-simaha Taliyaha NISA loo magacaabin G/Sare Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo aad ugu xeel-dheer la dagaalanka al-Shabaab si weyna ula socda Dhaq-dhaqaaqooda iyo falalka ay damacsan yihiin isagoo adeegsanaya Sirdoonka Dhar-cadka ah ee Hay’ada NISA u shaqeeya kuna nool deegaanada al-Shabaab ka taliyaan ee tirada yar ee Koonfurta Soomaaliya, isla markaana Xaafad kasta ka sameynayaan howl-galo ammaanka lagu xaqiijinayo si DHIQLAHA waxuu ku tilmamaay oo ula jeeday al-Shabaab loogu sifeeyo guud ahaan dalka gaar ahaan Muqdisho qeybaha ay ku dhuumanayaan.

Siyaasiyiin Soomaaliyeed oo aad ugu xun Horumarka uu NISA ka sameeyay ku-simihii Agaasimaha NISA ahna Taliye ku-xigeenka NISA G/sarre Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa maalmahaan dambe Warbaahinta Lacago laaluush ku siinayeen hadalo aan jirin oo ay ugu gafayaan Taliye Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyagoo qorayay in Ku-simaha Taliyaha xabsi guri uu ku jiro, iyadoo hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka laga xayiray dhaqaalihii ay ka heli jirtay dowladda, taasoo ah BEEN abuur aad u weyn oo loogu gafayo Qaranimada Soomaaliya looguna diidan yahay Muwaadinkii dhexda marada ugu xirta Nabadeynta dalkiisa sida G/sarre Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Sidoo kale, Siyaasiyiinta diidan Nabad Waarta oo dalkeena ka dhaca ayaa Warbaahinta Lacago ku siinayay inay baahiyaan BEEN abuur kale oo ah in sababta G/sarre Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) xabsi guriga loo galiyay ay aheyd kadib markii uu kiis musuq ah ku soo baxay kadib markii la sheegay inuu lacag boqolaal kun oo doolar ah isku dayey inuu lunsado oo ay lahayd Hay’adda isla markaana qoreen in Taliyaha oo baxsanayay Airport-ka Muqdisho lagu qabtay taasoo noqotay mid si weyn Shacabka Soomaaliyeed ugu qoslaan isla markaana ku tilmaameen BEEN ABUUR tii ugu weyneed ee waligood ay maqlaan, waxayna G/sarre Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) Shacabka ku arkaan Muwaadin Soomaaliyeed oo Dhiigiisa u huray difaaca Shacabkiisa kana suurta galin waxyaabaha Been abuurka ah ee Warbaahinta Lacagaha lagu siinayo si ay Dacaayado ugu sameeyaan Taliyaha oo loo arkay nin go’aan cad leh kana go’an Nabadeynta Dalka.

Si kastaba ha ahaatee, Ku-simahii Hay’ada NISA uu noqdo Taliye ku-xigeenkii Hay’adaasi G/Sare Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo hore usoo noqday Qunsulka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga isagoo Horumar xoogan ka sameeyay Safaaradaasi isla markaana dowlada Turkiga kasoo dhameemayay Mashaariic Horumarineed oo Muqdisho iyo deegaano badan oo Soomaaliya ah ka hir-galisay, balse waxaa la saadaalinayaa inuu baneyn doono xiligaan XILKA uu ku magacaaban yahay ee ah Taliye ku-xigeenka Hay’ada Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA kadib markii NIN ay isku beel yihiin (Digil iyo Mirifle) oo dalka Canada ka yimid isla markaana kamid ahaa Golaha Wasiiradda Xukuumadda Kheyre loo magacaabay shalay Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed ee NISA taasoo ka dhigan inuu xilka weyn doono Taliye ku-xigeenka NISA G/sarre Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) maadaama Siyaasadda Soomaaliya ay ku xumaatay isla markaana Dunidda kale ugu hartay n Beelo lagu qeybsado Shaqada Dowlada isla markaana laba Qof oo isku beel ah aan Hay’ad ka tirsan Dowlada Soomaaliya Masuulo loogu dhigin taasoo cadeyneysa halka aan Dunida maanta ka joogno isla markaana aad ugu niyad jabeen Shacabka Soomaaliyeed oo aad ula dhacsanaa shaqada habeen iyo maalin uu qaban jiray Taliye ku-xigeenkii Hay’adaasi G/Sare Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) 120-maalmood ee Ku-simaha Taliyaha guud ee NISA uu ahaa oo ammaanka Muqdisho dib usoo celiyay.