Maxaynu ka baran karnaa Stephen Hawking?

Ugu horrayn Magaca Ilaahey ayaan ku bilaabayaa

Waxaa toddobaadkan dhexdiisii geeriyooday Stephen Hawking oo ahaa saynisyahan caalamka oo dhan laga yaqaannay isla markaana ahaa nin naafo ah. Waxa uu hindisay waxyaabo aad u badan , waxa uuna dunida kusoo kordhiyay aqoon cusub.

Hawking markii uu ahaa 21 jir ayaa waxaa ku dhacay xanuun la yiraahdo “Motor Neurone” kaas oo ku dhaca maskaxda iyo neerfaha, axaa lagu war geliyey in uu dhiman doono muddo ka yar 2 sano oo kali ah, hasa ahaatee ma uusan rajo dhigin ee dadaalkiisii buu sii xoojiyay. Muddo kaddib Hawking waxa uu noqday naafo aan hadal iyo dhaq dhaqaaq midnaba lahayn hasa ahaatee isma uusan dhiibin, dedaalkiisiina wuu sii laba jibbaaray, asaga oo markii danbe helay qalab codka soo saara kaas oo uu dadka kula xidhiidhi jiray.

Waxbarashadiisii dugsiga hoose iyo dhexe waxa ay ahayd mid aad u liidata wax barashaduna aad ayay ugu adkayd hasa ahaatee ma uusan quusan. Waxa uu danayn jiray in uu ogaado wax kasta sida ay u shaqeeyaan waxaana caado u ahayd in uu furfuro saacadaha iyo raadiyayaasha si uu u ogaado sida ay u shaqaynayaan.

Waxa uu dhigan jiray Jaamacadda Oxford oo uu ka qaatay shahaadada ugu sarraysa ee cilmiga fisikiska sidoo kale waxa uu waxbarashadiisa kasii watay jaamacadda Cambridge ee dadlka Ingiriiska halkaas oo uu markii danbe ka noqday Bare sare. Hawking waxa uu ku takhasusay cilmiga fisikiska iyo falagga oo uu buugaag badan ka qoray.

Hawking waxa uu beeniyay fikredda khaladan ee dadka qaarkii ka qabaan dadka naafada ah taas oo ah in dadka naafada ahi aysan waxba qabsan karin, waxa uuna sidoo kale qabtay wax ka badan wixii ay dadka aan naafada ahayn ay qaban jireen asaga oo dunida tusiyay in dadka naafada ahi qaban karaan wax kasta.

Marka laga yimaado saynisyannimada, Hawking waxa uu ahaa mid daneeya nabad ku wada noolaanshaha iyo xasiloonida dunida ,isaga oo kasoo horjeeday caddaalad darrada iyo dulmiga. Waxaa uu aad uga soo horjeeday weerarkii uu Maraykanku ku qaaday Ciraaq 2003. Waxa uu sidoo kale kasoo horjeeday cadaadiska ay Israaiil ku hayso dadka reer Falasdiin.

Hawking waxa uu mudanyahay in lagu cibro qaato awoodda Ilaahay uu siiyay maaddaama uu ahaa qof oo naafo ah, hadlina karin kursina ku jiifay, dhaqdhaqaaqna aan lahayn haddana uu horumarkaas sameeyay. Hawking marna kama aysan reebin naafanimadiisii in uu gaadho heerkiisii aqooneed iyo himiladiisii.

Ugu danbayntii dad badan oo bulshadeenna soomaaliyeed ka mid ah ayaa waxa ay ka aaminsanyihiin dadka naafada ah mid ka duwan sida ay dhabtu tahay, laga yaabee marka uu qofku maqlo erayga naafo in ay markiiba kusoo dhacdo qof curyaan ah oo fadhiya waxna aanan qabsan karin ama qof buka oo caawinaad uun u baahan hasa ahaatee sidaas maaha. Haddii qofka naafada ah uu helo deegaan wanaagsan iyo bulsho fiican oo caawisa waxaa hubaal ah in uusan dareemayn naafonimada isla markaana uu waxyaabo badan uu qabsan karo bulshadiisana u qaban karo.

Guntii iyo gabogabadii waxaan u arkaa in uu Hawking tusaale u yahay dad badan oo naafo ah iyo kuwo aan naafo ahaynba oo ay ka dhaadhacsantahay in aysan wax qabsan karin. Waxa uu dad dadka mar kasta kula talin jiray in ay dadaalaan oo ay xoogga saaraan waxa ay awoodaan oo aysan marnaba ku fekerin waxa aysan waxba ka qaban karin. Waxa uu noqoday qof naafo ah kii ugu caansanaa, gaadhayna meeshii ugu sarraysay oo qof naafo ahi gaadho.

Casharka aan ka barannayno noloshiisii waa uu badanyahay hasa ahaatee waxaan kusoo koobayaa:

In uu Eebe weyne uun ogyahay waxa nagu soo fool leh.

In awoodda aadadanuhu ay xaddidan tahay. Midda Alle oo keliyana aysan dhammaan.

In qofka naafada ah iyo ka aan ahaynba ay gaadhi karaan himiladooda haddii ay dadaalaan.

In aynaan waligeen yasin ama hoos u eegin qof bani aadam ah.

In uusan qofna rajo dhigin oo uusan isku dhiibin duruufaha haysta ee uu hore u socdo.

In qofku mar kastaba isku kalsoonaado iskana dhaga tiro qofka niyad jabinaya.

Ilaahay ayaa mahad oo dhan leh.

Waxaan u mahad celinayaa walaalkey Dr Cabdalla Jaamac oo saxay maqaalkan.

W/Q Qaasin C/laahi C/raxmaan

Qasin1990@gmail.com

Tixraac

https://www.youtube.com/watch?v=Ptw4FdAepDo

https://www.theguardian.com/science/political-science/2013/may/13/stephen-hawking-boycott-israel-science

https://www.biography.com/people/stephen-hawking-9331710