Maxaaa keena Kansarka Naasaha (Breast Cancer)

Unugyada kansarku waa unugyo aan caadi ahayn. Unugyada kansarka qaarkood waxay sameyn karaan ka soo-bax loo yaqaano burooyin.
Dhamaan burooyinka waxa kordha cabirkooda, laakiin qaar baa dhakhso u kora, qaarna koriinkoodu uu gaabiyaa. Unugyada kansarku waxay ku fidi karaan qaybaha kale ee jirka iyaga oo maraya hababka dhiigga iyo dheecaanka (lymph). Waxana taa loo yaqaanaa “metastasis”.
Kansarka naasuhu waa marka kansar ka bilawdo naaska. Kansarka naasaha waxa lagu ogaan karaa raajo naas (mammogram), iyada oo haweenaydu
dareento buro ama baadhitaan dhakhtar sameyo. Si loo helo kansarka naasaha, waxa muhiim ah:
# In aad sameysid baadhitaan naasaha bil kasta.
# In dhakhtarkaagu kuu sameeyo baadhitaan sannadkii mar haddii aad ka weyn tahay 40 jir. Badanaa waxa baadhitanadan loo sameeya tiro intaa ka yar haweenka da’da yar.
# Isa saar raajada naasaha sannad kasta hadii da’daadu ka weyn tahay 40.

Cadka Naaska
Waxa laga yaabaa in naasaha haweenaydu ay yeeshaan dareen ah adayg iyo buruq dhalmo-dayska ka hor . Haweenka waxa ka yaraada maadada “estrogen” ka dib dhalmo-dayska, sidaa daraadeed naasuhu waxay noqonayaan kuwo intii hore ka jilicsan oo ka buruq yar.
Cadka adag iyo buruqda naasuhu waxa ay qarin karaan oo dhib ka dhigi karaan in la dareemo buro yar. Marka aad hubisid naaskaaga bil kasta, waxa aad baran kartaa cadka naaskaaga waxana aad ogaan kartaa wixii ku cusub. Sidoo kale buruqda yaryar waxa lagu ogaan karaa raajo naas ama waxa ogaan kara dhakhtarka wakhtiga baaritaanka. Buruqda qaarkood aad bay u yar yihiin, sidaa daraadeed waxa kaliya ee lagu ogaan karaa raajo naas.

Baaritaanada
Haddii buruq la arko, waxa la qaadi doonaa raajo naas ama “ultrasound”. Badanaa dheecaan iyo cad yar (biopsy) ayaa la qaadaa si loo eego in ay buruqdu tahay kansar, haddii ay tahayna nooceeda.
Qaadista dheecaan iyo cad yar (biopsy) waa hab lagu soo saarayo qaybo aad u yaryar oo ah cad. Ka dibna, qaybaha waxa eegaya dhakhtar. Haddii baaritaanka dheecaanka iyo cadka lagu ogaado kansar, waxa la qaadi doonaa baaritaano dheeraad ah si loo ogaado in kansartu ku fiday qaybaha kale ee jirkaaga iyo in kale.

Noocyada Daweynta
Iyada oo ku saleysan natiijooyinka baaritaanka dheecaanka iyo cadka (biopsy) iyo nooca kansarka, adiga iyo dhakhtarkaaga ayaa go’aan ka gaari doona daweynta ugu haboon ee kansarka naaskaaga.
Halkan waxa ku xusan daweynta la sameyn karo:

Qalitaan
Waxaa la sameeyaa qalitaan si loo saaro kansarta intii suurtogal ah.
Waxa la saaraa naaska oo dhan, taasoo loo yaqaano “mastectomy”, ama waxa la saaraa qayb ka tirsan naaska, taasoo loo yaqaano “lumpectomy”. Labada qalitaan noocii la sameeyaba, waxa kansar laga eegi doonaa guntimaha/qanjirada dheecaanka (lymph nodes) ee ku yaala kilkilada. Waxa kale oo adiga iyo dhakhtarkaagu ka hadli kartaan qalitaanka dib-u-dhisidda. 
Qalitaankan waxa loo sameeyaa si loo abuuro muuqaal u eg ka naaska caadiga ah.
Waxa laga yaabaa in aad wali u baahatid daweyn dheeraad ah.
Qalitaan ah, in naaska oo dhan la saaro (mastectomy) ama qayb ka mid ah (lumpectomy), ma aha ballanqaad in kansarku naasaha ka dhamaaday, ama jirka oo dhan. Waxa laga yaabaa in unugyo kansar oo aad u yar lana dareemi karin ay ku haraan jirka.

Daweynta Shucaaca
Marka la saaro qayb naaska ah (lumpectomy), waxa badanaa ku xiga daweynta shucaaca (radiation therapy). Daweyn shucaac ayaa la sameeya si loo daweeyo naaska oo dhan. Daweynta shucaacu badanaa waxay bilaabantaa 4 ilaa 6 todobaad qalitaanka ka dib.

Daweynta Hormoonka (Hormone Therapy) iyo Daweynta Kiimiko (Chemotherapy)
Waxa laga yaabaa in daweyn loo baahdo si loo abaaro unugyada kansarka ee ku harsan jirka. Waxa la sameyn karaa qalitaanka ka hor si loo yareeyo buro ama qalitaanka ka dib, si loo dilo unugyada kansarka ee laga yaabo inay ku fideen ama ku harsan yihiin jirka.
# Daweynta hormoonka waa dawo ah kiniin oo la qaato si ay lid ugu noqoto maadada “estrogen”? ee ku jirta jirka. Waxyeelada ugu badan waa caalamadaha dhalmo-dayska.
# Daweynta kiimiko waa dawo lagugu siinayo tuubo galaysa xidid dhiig (IV) ama kiniin ahaan. Dawadu waxay dilaysaa unugyada kansarka. Waxyeelooyinka ugu badan waxa ka mid ah daal, timaha oo daata iyo lallabo. Badanaa waxyeelooyinkani waa kuwo mudo jira oo aan joogto ahayn.

©SomaliDoc