Daalka iyo hurdada yimaada dharagta kadib waa wax dhamaan aadanuhu ay ka simanyihiin. Marka aad cuntaysid siiba mararka aad cuntid cunto badan waxaad dareemaysaa caajis waxaana laga yabaa badanaa inaad hurdo u baahatid.
Balse bahda caafimaadka oo ay barocaafimaad kamid tahay waxay qabaan aragti ka duwan taas oo ku salaysan cilmiga caafimaadka iyo aqoonta loo leeleeyahay jirka aadanaha.
Maxaa sababa calaamadaha dharagta? Maxayse tahay xaqiiqda dhabta ah ee ka danbaysay?
Cuntada kadib jirkaagu wuxuu u baahanyahay tamar ama awoodo uu ku qabsado hawlihiisa caadigaa kuna shaqeeyo.
Awoodaas waxaan helnaa marka cuntadii adkayd ee aan cunay uu jirku burburiyo una badalo sonkorta loo yaqaan glucose taasoo ah shidaaalka jirku ku shaqeeyo. Hadaba burburin kadib sonkorta waxay gashaa dhamaan xubnaha jirka ayadoo raacaysa xididada dhiiga, markay glucose-tu wada gaarto jirka wuxuu bilaabayaa inuu jawaab kabixiyo cuntada soo gashay inay ku filantahay iyo inkale, isla markaas jirku wuxuu soo daynayaa hormoono badan sida, “cholecystokinin”, glucagon, iyo amylin, kuwaasoo muujinaya in xubnaha jirka dhamaantood ay kujiraan xaalad qanacsanaan ah oo dagan taasoo muujinaysa in cuntadii wada gaartay xubnaha jirka.
Isla markaas waxaa kor u kacaya heerka sonkorta jirka waxaana si degdeg ah loosoo daynayaaa hormoonka insulin taasoo u ogolaanaysa glucose-ta dhiiga kujirta in ay isticmaali karaan unugyada dhan ee jirka.
Marka jirku uu galo xaalad daganaan ah cuntadu wada gaarto xubnaha jirka waxaa lasoo daayaa dheecaano kale oo laga soo daayo maskaxda sida serotonin dheecankan wuxuu qofka ka dhigaa mid hurdaysan. Sidoo kale waxaa jira dheecaan kale oo sababa hurdada caadigaa ee qofku caadiyan seexdo kaasoo la dhaho melatonin dheecaankan melatonin soo saaridiiisa cuntadu masuul kama ahan balse saamayn wayku yeelan kartaa mararka qaarkoo.
Inkastoo dhamaan cuntooyinka aan cuno uu jirku u burburiyo si isku mid ah hadana si isku mid ah uma saameeyaan shaqada jirka, cuntooyinka qaarkood sida kuwa uuku badanyahay protein-ku (kaluunka, ukunta, spinach I.W.M) waxay kaa dhigi karaan mid hurdaysan.
cuntoonyinka uuku badanyahay protein-ku sida kuwa aan kor kusoo sheegnay waxay ka koobanyihiin ama kujira walax kiimiko jireed ah oo loo yaqaan tryptophan taasoo jirku u isticmaalo inuu kasoo saaro dheecaanka la yiraahdo serotonin kaasoo sababa lulmada cuntda kadib.
Cuntooyinka ay ku jirto carbohaydarate-ku waxay qofka ka dhigaan mid korontadu ka dansan tahay balse waa waqti kooban, moosku wuxuu murqaha qofka ka dhigaa kuwa dabacsan. Dhamaan qodobadaas waxay kaa dhigi karaan qof hurdaysan.
Talo bixin
Waxaa jira cuntooyin kale oo saamayn taas ka duwan jirka ku keena waxaana kamid ah, Cuntooyinka isku dheeli tiran sida, qudaarta, miraha, dufanta fiican(lowska, sisinta iwm) dhamaan cuntooyinkaas waxay kugu soo siyaadinayaan firfircooni dheeriya.
Sidoo kale sonkorta badan oo laiska ilaaliyo iyo in cunto yar la cuno waxay kaa ilaalin kartaa hurdada iyo caajiska yimaada cuntada kadib. Sidoo kale jimicsigu wuxuu kamid yahay waxyaalaha jirka ka dhiga mid firfircoon.
Gabogabadii
In qofku dareemo daal cuntada kadib waa shay caadi ah.
Hadii aad dareentid daal ama hurdo cuntada kadib waxaad ogaataa in daalkaas uu sababay jawaabta uu jirkaagu ka bixinayo falgalka cunta burburineed ee ka socda dhamaan qaybaha jirkaaga. Balse hadii xaaladu ay ka duwantahay daal yar ama caajis oo noqoto wax hab dhaqankaaga nololeed dhaawac u gaysanaya kala tasho dhakhtar.
Xigasho: Daryeel Magazine