MAXAA LAGA FILI KARAA SHIRKA LONDON??

Soomaalidda inteeda badan waxay is waydiinayaan maxaa ka soo bixi kara shirka London? Muxuuse kaga duwan yahay labadii shir ee horay loogu qabtay Soomaaliya sanadihii 2012 iyo 2013ka. Natiijada laga filan karo shirka iyo waxa ka soo baxaya waxaa sal u ah fikirka laga qabo dhismaha Nabadda iyo Dawladnimada. Marka laga soo tago danaha ay qolo walba sida gaarka ah Soomaaliya uga leedahay, waxaa jira labo aragti ama Iskuul oo ay
Galbeedka iyo Barigu ku kala aragti duwan yihiin markii ay timaado caawinta iyo gacansiinta dawladaha burburka iyo colaada sokeeye ka soo kabanaya iyo guud ahaan kuwa dunidda sedexaad.
Aragtida Galbeedka waxay ku doodaysaa dawladu waa in laga kaalmeeyaa sidii ay ku noqon lahayd dawlada Dimoqoraadi ah oo sharciyadda dadkeeda haysta, kuna dhisan rabitaan shacab iyo is ogol, isla xisaabtan, daah furnaan, saraynta sharciga. Wax walba oo ay qabanayaan dhinacaas ayey ku jeedaan. Waxay ku doodayaan hadii awoodda dawlada la xoojiyo iyadoon dastuur xooggan oo sharciyad la xisaabtan iyo awoodo kala madax banaan lahayn waxay horseedaysaa takrifal awood oo ah kii burburka sababay.

Sidaas daraadeed wax qabadkoodu waa dhismaha karti (Capacity Building) la xariira, Dimoqoraadiyeyn iyo dawlad wanaag , Saraynta sharciga iyo Xuquuqul Insaan. Uma soo jeedaan dhismaha dawlad xooggan oo ciidan xooggan leh, iyo dhismaha Kaabayaasha Dhaqaalaha. Waxay ku doodayaan  Cusbitaaladii, Iskuuladii, Wadooyinkii, Garoonadii, Dekedihii iyo Ciidankii Xoogganaa waxaa dumiyey dawlad kali talis ah oo aan loo dhamayn kuna dhisnayn rabitaanka shacabka iyo saraynta sharciga. Hadii aan taas la helinna wado, iskuul, cusbitaalkii la dhiso colaad sokeeye ayaa dumin doonta.

Dhinaca Bariga waxay qabaan in dawlada la xoojiyo, laguna taageero wax la taaban karo sida; dhismaha awooda dawlada ee cidaanka, kaabayaasha dhaqaalaha, fursadaha shaqo abuurka ee maalgashiga si ay dawladu u yeelato awood ay dalka ku xukunto dadkeeda ugu adeegto. Waxay aragtidani ku duulaysaa  in dawaladu ay sharciyad heli karto markii ay dadkeeda  u adeegto. Si taas loo xaqiijiyo waa in dawlada la xoojiyo, lana siiyo taageero muuqata oo lagu dhisayo awoodeeda dawladnimo si ay shacabkeeda ugu adeegto, iyadda kaligeedna u yeelato awooda maquuninta (the monopoly of violence)

 

Waxa ka soo baxaya shirka London waxay ku xiran tahay halka aad wax ka eegayso iyo xagasha aad ka taagan tahay doodda. Qolada qabanqaabisay waxay u haystaan in ay wax wayn labadii shir oo hore u qabteen, kanna uu mira wayn dhali doono, laakiin Soomaalida waxay u haystaan shimbirayahow heesa aan natiijo badan lahayn. Waxaase hubaal ah in natiijada shirka la raadayn karo hadii qorshaha iyo agendaha ay dawladda Soomaaliya hagayso, iyadoo laga faa’iidaysanayo tijaabooyinkii hore loo soo maray la iskuna dheeli tirayo aragtida kala duwan iyo danaha kala jeeda ee dawladaha Bari iyo Galbeed.
W/Q Abdirahman Abdishakur Warsame