Maxaa Haweenkeenna ku badiyay Infakshanka?

Waa su’aal is weydiin mudan oo u baahan in jawaba loo helo, si loo ogaado cilaldaha jira iyo siyaabaha logoa hortagi karo intaba.

5-tii haweenba oo soomaali ah 3 ka mid ah waxay ka cabataa infekshan ama laga daaweeyay caabuq xagga hoose ah.

Inta aanan ka jawaabi su’aashaan aan ka hadalno waxay infekshanka uu yahay iyo waxa keeno marka horaba.

Waa maxay infakshanka dumarka?
Waa caabuq ku dhaca xubnaha taranka ee dumarka, waxuu saameeyaa farjiga, tubooyinka, minka iyo ugxan sidayaasha.
haddii aan la daaweyn wuxuu keenaa madhalaysnimo iyo in ay howlgabaan xubanahaas aan soo tilmaamay.

Xubnaha uu ku dhaco infekshaan waxaad ka arki kartaa sawirkaan hoose:

Waa cudur caan ka ah dunida, inkastoo lagu kala badan yahay. waana sababta ugu horreyso hadane laga hortagi karo oo madhalysnimada u keento dumarka, Wuxuuna infakshanka aad ugu badan yahay gabdhaha qaangaarka ah iyo haweenka da’da yar.

Maxaa keeno caabuqa xubnaha taranka?
Sida eebbe ugu talagaly waxay xubanaha taranka dumarka ay leeyihiin waxyaabo ka hortaga infakshanka oo qof caafimaad qaba uusan ku dhici karin illaa in qofka uu la yimaado dhibaato difaaca hoos u dhigayso ama ku caawinayso in bakteeriyada ay taranto ama dhaawac gaarsiiyo afka minka taasoo keensanayso in bakteeriyada gudaha u gudubto.

Waxyaabaha ugu badan ee dunida keeno xanuunadaan waxaa ka mid ah cudurrada galmada la isku qaadsiiyo sida jabtada, xanuunka chlymedi-yaha, HIV-ga, isfiilitada, herbiska, honqorta cawrada iyo xanuuno kale oo aad ka wada akhrisan kartid link-gaan.

Sababta ugu badan ee dumarkeenna u keento way ka duwan tahay waxa aan kor ku xusnay, waxa u keeno cudur uu keeno jeermiska Fangaska oo loo yaqaanno cabeebka oo galo farjiga iyo agagaarkiisa..

Sababta u gaarka ah Soomaalida maxay noqon kartaa?
Caabuqa cabeebka keeno ee farjiga galo waa cudur fangas ah wuxuuna ku dhashaa meelaha diirran oo qoyaanka leh sida farjiga, afka, cagaha khaastan faraha dhexdooda IWM, waxaane uu ka dhashaa nadaafad darrada iyo hawo yarida, calaamadaha u gaarka ah ee lagu garto waxaa ka mid ah in haweenta ay dareento qoyaan ama dheecaan xagga hoose ka yimaado oo cad sida labeenta caanaha oo kale, waana dheecaan ur leh oo farjiga agagaarkiisa illaa bowdyahada dhinacyadooda laga dareemi karo ama ku dhagdhagi karo, wuxuu wattaa cuncun iyo dhabar xanuun, murqo xanuun lugaha ah iyo caajis kalagoysyada lugaha khaas ahaan jilbaha.
Waa xanuun si aayar ah u tarmo oo qofka inuu ka sheegto waxay ku qaadataa dhowr billood sidaa awgeed haweenka badanaa waxay badanaa dhakharka u imaadaan iyagoo 6 illaa 8 bilood ka cabanayo cilladaan.
Caabuqa cabeebka wuu soo noqnoqon karaa haddii aan la daawaynin.

Haddii aan u gudbo sababta u gaarka ah haweenka soomaalida sida ay dhakhaatiir badanne ay sheegeen waxay tahay in haweenkeenna badankood ay si joogto ah u xirtaan gorgoradaha, waxay marada gorgoroda ka samaysan tahay maadada Nylone-ka taasoo soo jiiddo kuleelka iyo huurka, waxayna abuurtaa dhidid badan, hawadane kama gudubto waa sadaxda shey oo u baahan yahay jeermiska fangaska caabuqaan keeno oo loo yaqaanno “Candida” inuu tarmo.

Haweenka aanan xiran gorgoradaha way ku yartahay xanuunka caabuqa ee fangaska keeno.

Ha joogteynin xirashada Gorgorada!!
Inkastoo aanan garanaynin umado kale oo ku labisto gorgoradaha laakiin caafimaad darradeedane waa mid muuqato laguna cadeeyay dhowr cilmibaaris iyadoo lagu fiiriyay xiriirka ka dhaxeen karo xirashada dharka Nylon-ka ka samaysan iyo caabuqa cabeebka “Nylon Underwear & Yeast Infection”, nasiib xumo, haween yar ayaa ku baraarugsan arintaan, waxaa jira haween badan oo ka caban jiray infekshan soo laalaabto iyagoo si joogto ah u xiran jiray gorgorada, kadibne isbadal fiican dareemay markay joojiyeen.

Taladaydu waa in aad xiratid maro ka samaysan shay aan nylon ahayn oo hawada ka gudib karto sida cudbiga oo kale, kuleelne soo jiideynin, dhididna aanan abuuraynin, Tusaale ahaan sida marada baatiga oo kale in aad gorgorod ahaan u tolatid.
Haddii ay kugu adag tahay in aad gorogorada dhigtid, ku dadaal in aadan joogteynin xirashadeeda khaasatan haddii aad ku nooshahay dhulalka kuleelaha ama maro cudbi ama baati ah ku tolo gorgoarada wixii jilbaha ka hooseeyo gorgorada ka dhig, wixii ka sareeyane maro kale ku tolo. (Waa fashion caafimaadka u roon!!)

Maxay tahay calaamadaha kale ee caabuqa lagu garto?

  • Xanuun qeybta hoose ee wareegga ah.
  • Kaadida oo ku gubto.
  • Qandho qarqaryo wadato.
  • Xanuun xilliga galmada.

Maxay ku kala duwan yihin caabuqaan iyo kan kaadida?
Dadka badanaa way isku qaldaan caabuqa kaadi mareenka iyo caabuqa xubnaha taranka ku dhaco.
Caabuqa kaadi mareenka waa mid ka ku dhaco kaadi heysta iyo kilyaha, waxaadne ka akhrisan kartaa halkaan qoraal ku saabsan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3237.0.html
Calaamadaha la dareemo way isku dhow yihiin laakiin caabuqaan wuxuu kaga duwan yahay kaliya dareemidda dheecaan ama qoyaan siyaado ah oo aan dabiici ahayn iyo cuncun farjiga ah ama nabarro ama isbadal maqaar ee ku dhaca xubnaha taranka.

Sidee loo baaraa xanuunkaan?
Dad badan ayaa aaminsan in xanuunkaan kaadida lagu ogaado, caabuqaan xubnaha taranka galo waxaa lagu ogaadaa in dheecaankaas la baaro ama dhiig lagaa baaro iyadoo la raadinayo jeermiska kuu keenay xanuunka ama lagu saaro qalabka Ultrasound-ka si loo ogaado caabuqa dhaawaca uu gaarsiiyay xubnaha taranka sida tubooyinka, ugxan sidayaasha ma aminka intaba.
Hadduu caabuqa daran yahay wuxuu takhtarka kaa qaadi karaa muunad yar oo baaris loo diro.

Xanuunkaan sidee loo daaweeyaa?
Waxaa lagu daaweeyaa dhowr daawo oo antibiotic ah iyo daawo fangaska loogu tala galay ha ahaato mid la cunayo, la marsanayo ama sumboosto ahaan loo isticmaalayo, Waa qassab in lamaanahaaga la daaweeyo haddii lagaa helo caabuqaan.
Hadduu xanuunka siyaado uu noqdo sida in dheecaan ku aruuro tubooyinka waa in qalliin lagugu sameeyaa si looga fogaado in tubooyinka ay xirmaan, waana halis keeni karto madhalaysnimo.

Sidee looga hortagaa xanuunkaan?
Waxaa looga hortagi karaa adigoo raaca tillaabooyinkaan hoos ku xusan:

  • Jooji isticmaalka gorgoradda!! caafimaadkaaga kuma jiro xirashadeeda khaasatan hadduu xanuunka kaa bixi la’yahay, waa wax cilmi ahaan loo og yahay, dheefta laga helaayo markii la joojiyane waa hubaal.
  • Ku dadaal nadaafaddaada guud oo iska ilaali wax kasto oo caabuqa kordhin karo khaas ahaan xilliga caadada.
  • Haddii aad leedahay xanuun ka mid ah xanuunada galmada lagu kala qaado iska daaweey, lamaanahaagane daawee isagane.
  • Haddii aad doonayso in aad xakamayso uurkaaga ama aad ka hortagto iska ilaali isticmaalka qalabka lagu xiro tubooyinka wuxuu keenaa caabuq haddii aanan si nadiif ah loo xirin.
  • Ka fogow isticmaalka daawooyinka qallajiyayaasha aan dhakhtarka kuu qorin, waxay yarayn karaa difaaca jirkaaga, sidaasne waxaa ugu nuglaanaysaa caabuqaan.

Xigasho: Somalidoc