Haween ka cabanayey Mugdi oo Feynuusyo ku shitay xaafad ka mid ah Minneapolis.

Haween Soomaali ah oo deggan magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka, xaafad ay soomaalidu ku badan tahay ayaa cabasho ka muujiyey waddo mugdi ah oo ay isticmaalaan xilliga tareenka ay ka soo degaan ama u socdaan.

Haweenkan si ay dareenkooda ku aaddan mugdiga iyo dhibaatada ay ku qabaan ay u gudbiyaan maamulka magaaladda ayey faynuusyo waddooyinka u dhigeen.
Ummad meel ku nool marka ay xaalad amni xumo la kulanto waxaa ugu horreyn ugu nuglaada haweenka iyo carruurta.

Haddaba haween ku nool Xaafadda Riverside oo iskood isu abaabulay waxay la kulmeen dhibaatooyin kala duwan oo loogu geystay xaafaddi ay degganaayeen qaasatan goob gaadiidka ay ka soo raacaan ama ay ugu soo dagaan.

Haweenka ayaa sheegay iney la kulmaan tuuga dhacday teleefannada, boorsooyinkooda oo halis geliyey naftooda. Haweenka ayaa isugu soo baxay agagaarka waddada ay mugdigeeda ka cabanayaan si ay baaq u diraan madaxda magaalada si waddadan looga xiro.

Waa 2 kamid ah haweenka dareenkooda ku cabiray feysnuus waana arin ay aad ugu dhib qabeen mugdiga.

Hase yeeshee cabashada haweenkan iisu keentay ay ah mid aysan maamulka magaalada ka warhaynin.

Haweenkan Feynuusyada i soo dibad baxay waxay maamulka magaalada Minneoplis waxay ka rajeeynayaan iney waddadaasi nalal ugu xirto si ay uga badbaadaan tuugada mugdiga dhibaatada kala duwan ugu geystaan.

Xigasho;BBC