Faalo Xiiso leh Madaxda Dowladda isdhexgalka Bulshada waa u Muhiim (Sawiro)

Inta aanan u gudagalin dulucda Faallada aan marka hore wax ka xusno waxa uu ka yiri Raiisul-wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre helitaanka Mushaaraadka Shaqaalaha Dowladda, wuxuuna seddex arrimood ku sheegay in Shaqaalaha Dowladdu ku heli karaan Mushaaraadkooda, isagoo tilmaamay in seddexdaasi waxyaabood ay muhiim u tahay inay ka soo baxaan, kuwaasi oo lagu sixi doona qaladaadka badan ee ka dhex jiray Hey’adaha Dowladda, seddexdaasi Arrimood oo kala ah:-

1. in la soo sheego shaqsiga aan ka mid aheyn shaqaalaha rayadka ah ee qaata Mushaaraadka, isagoo xusay in shaqsi aan Dowladda u shaqeyn in uusan lacag qaadan doonin.
2. In Hey’adaha Dowladdu ka shaqeeyaan ka hortagga musuqa, taasoo la sheegay inay yareyn doonto in si qaldan loo qaato lacagaha Dowladda.
3. in waqtiga shaqada la tago goobaha Shaqada, iyagoo niyad wanaag iyo waxqabad ku tagaya, wuxuuna xusay in haddii 3-daasi la saxo ay dowladdu mushaar joogto ah siin doonto.

Seddexdaasi arrimood ayuu xusay inay muhiim u tahay inay ka soo baxaan Hey’adaha Dowladdu, taasoo lagu sixi doono qaladaad badan ka dhex jira Wasaaradaha kala duwn ee Dowladda, hadalkaasi waxa uu Raiisul-wasaaruhu ka sheegay Xuska Maalinta Shaqaalaha Adduunka oo markaasi lagu qabtay Magaalada Muqdisho, waxa uu kula dardaarmay shaqaalaha dowladda in si wanaagsan ay u gutaan waajibaadkooda, iyaguna ay ka shaqeyn doonaan in la helo xuquuqda shaqaalaha.
“Dowladdu waxey balan qaadeysaa mushaaraadka shaqaalaha, iyagana waxaan ka rabnaa inay nagala shaqeeyaan sidii aan u heli laheyn xuquuqdooda”ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.

Marka haddaan ugudagalo Qorma Madaxda Dowaladda kuwooda ugu sarreeya waxay bilahaanba wadeen inay kormeero ku tagaan goobo badan sida meelaha lagu damaashaado, maqaayadaha lagu shaaho, meelaha ay ku nool yihiin Dadka taakta daran iyo goobo kaleba, taasoo ay ula jeedaan i soo dhawaashaha Dowladda iyo shacabka ay u adeegeyso.

Haddaan ku bilaabo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali kheyre ayaa boqolaal Shacab ah kula jimcaystay Beerta Nabadda oo ka mid ah goobaha loo dalxiisa ee Magaaladda Muqdisho, si uu Shacabka u dareensiiyo in Dowladda ay tahay mid shacabku leeyihiin ayna ku kalsoonaadaan, wxuuna Dadweynihii ku damaashaadayay beerta Nabadda uu Ra’iisul-wasarahu fursad u siiyay in ay la wadagaan Talooyinka iyo firkadaha wanaagan oo ay shacabku doonayaan in ay Dowladda ku shaqeyso.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa shacabkii ku sugnaa beerta Nabadda u sheegay in dowladdu ay ku shaqeyn doonto Rabitaankooda, islmarkaana ay iyna diyaar u tahay in ay la xisaabtamaan waqti kasta, isla markaana ay ka go’an tahay in ay Dadkeeda la wadaagto marxalada kasta oo ay ku sugan yihiin.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaanahanba booqanayay goobaha ay isugu yimaadaan shacabka ku Nool Magaalada Muqdisho si uu u dhageysto Talooyinkooda, tallaabadaani ay ah mid uu Raiisul-wasaaruhu ugu dhawaanayo sahacabka, maadaama uu isagu yahay adeege.

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kormeer ku tegay qaar ka mid ah xeryaha ay ku nool yihiin dadka ku soo barakay Magaalada Muqdisho, si uu u hubiyo xaaladda nololeed ee dhabta ah oo ay ku sugan yihiin Barakacayaasha ku sugan gudaha iyo hareeraha Magaalada, wuxuuna markaasi tixgalinayaa maadaama lagu guda jiro xilli roobaadka, wuxuuna u qeybiyay Barakacayaashaasi ku nool Muqdisho iyo hareeraheeda ee aan haysan hoyaga Bacaha roobka laga galo iyo Bustayaal, taasi oo ay si aad ah ugu soo dhaweeyeen Dadkaasi danta yar.

Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa dhowr jeer horay u sheegay in dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo barnaamijkeeda koowaad uu yahay ka shaqeynta danta dalka iyo dadka, taasi uu ficil ahaan u muujiyay, isagoo dhowr mar la kulmay inta bulshada ugu liidata iyo dhibanayaasha, haddaba waxaan dhihi karnaa Madaxdu dhexgalka bulshada waa u muhiim.

Qallinka: C/laahi Ruush.