Diyaaradaha Kenya oo Duqeeyay Saldhigyo Al-shabaab.

Warar ka aan ka helayno deegaanka ceel cadde ee gobolka  Gedoo ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee dowlada Kenya ay duqeyn xoogan la bartilmaameedsadeen   saldhig kooxda Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaankaas,

kooxda Al-shabaab ayaa la sheegay dhankooda inay Lidka Diyaaradaha isaga caabiyeen Diyaaradahaasi, lamana  garanayo khasaaraha ka dhashay Duqeymahaasi,

Dhinaca kale, Duqeyn kale ayaa laga soo sheegay inay Diyaaradaha Kenya u geysteen Deegaanka Yurkud ee isla Gobalka Gedo, lama shaacinin khasaaraha ka dhashay duqeyntaasi.

Ahmed Yare

©Goobsan Media