Dawlad hal QABIIL ku qaldanta!

Aryaada xay tahay dowladdaan qabiilka gaarkaa ku qaldanta? MAGAG!

Xasuuqii Bariire, dadkii aan ku laynnay Shabaab ayey ahaayeen, mayee, waan ku qaldannay, dadkii ku dhintayna mag ayaan xa bixinaynaa! Koow. Ii wad sheekada!

Haanta Dheer, xarun ay deggan yihiin ciidan militeri ah, ayaan seqdhexe weerarnay, illaa afartii galabnimana la is ku la gaaray! Dadkii aan ku laynay waan ku qaldannay, iyagana mag ayaan ka bixineynaa! Koow. Ii wad sheekada!

Guuto 3aad oo ka tirsan ciidanka militeriga, ee Shabaab ka xoraysay Muqdisho iyo labada Shabeelle, hal qabiil ayey u badan yihiin, ee saanadda, gunnada iyo mushaarka ha laga jarto! Dawladnimo. Oo maxaa lagu badalaa? Ciidamo cusub. Oo yey ka imaanayaan? Beelo dee! Malleeshiyo calooshood u shaqaystaal ahna waa la sheegayey! Koow. Ii wad sheekada!

Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaan habeen madow gurigiisa weerarnay, lix qof ayaan ku laynnay, asna waan afduubannay, oo saddax maalin noo qafaalnaa! Waan ku qaldannay dadkii aan halkaas ku gumaadnay meydkoodiina aan diidney oo aan uusduugnay mag ayaan ka bixineynaa! Koow. Ii wad sheekada!

Guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) ayaan weerarnay maalin caddeey iyo duhur. Waan ku qaldannay, oo waan baaraynnaa, mayee, ciidanka Imaaraadka waaye! Koow. Ii wad sheekada!

Halkii laga rabay dowladdu iney wixii shacabka ka qaldama saxdo, iyadiiyaaba qalad ka dhexbixi la’, iyadoo sidaas u qaldan ayey haddana qofkii ay qaladka ka gashay markii uu hadlo waxay leedahay waa qaran dumis, waa mucaarad, waa qabiileyste, waa qabyaaladeyste! Yaab badanaa!

Walba, qaladka ay geleyso haddey qabiillada u qaybinlahayd, oo si sinnaan iyo garbosiman ah uga wada geli leheed waxbey ahaan lahayd, ee qabiil kaliya ayey uga dheggantahay, cadaw kalaba maleh! Shabaab adaa sheegaya!

Murti hore:
“Col ku dhac, oo cadaawe kuu ciidami!”

Murti dambe:
“Caalle kuu tali, oo cuqdadaysne kugu ciilbax!”

Kolley, waxaad tihiin, in runtu dhibtu ama is ka dhoohisee, anigu dhahmadeeda waan ku dhiirradaa, oo ku dhaataa, ka mana dhammaado.

F.G: Ogow, ka ma hadale; Hanti dhawrka habka xilka looga qaaday, agaasimaha wasaaradda warfaafinta, xiriddii Baliille iyo Af Dhagax IQKB. Soomaaliyada cusub.

NAXLI IYO NUXUUS!

Bashiir M. Xersi

Goobsan Media                                                                     Email:Goobsanmedia@gmail.com.                                                                      Mopile 004571418008

Warbaahinta Goobsan kala Soco Wararkii U danbeeyay ee Dunida
SHARE