DAAWO SAWIRRADA:Meydadka Maleeshiyadii Weerarka soo qaaday Iyo Wararkii u danbeeyay ee Magaalada Muqdisho

Laba qarax ayaa Maqribnimadii Caawa laga maqlay gudaha Magaalada Muqdisho, Qarax koowaad ayaa ka dhacay Barkinkga gawaarida ee Dorbin Hotel,EX Baar FIAT,sidoo kale Gaari  saarnaa waxyaabaha qarxa ayaa isku dayay in uu xoog ku soo gudbo Barkantrol oo ay ciidamadu ku leeyihiin Sayidka,

Wararkii u danbeeyay ee hada na soo gaaray ayaa sheegay in hadda lasoo gabagabeeyay, Saraakiisha Ammaanka waxa ay xaqiijiyeen in ay toogteen 5 ka tirsan Kooxda Al shabaab kuwaas oo ku lebisnaa darees kaaki ah oo loo ekeysiiyay kuwa ciidamada Booliska,

Qasaaraha dhimashada ayaa la xaqiijiyay ilaa iyo hada 18 qofood oo dhimasho ah, halka dhaawacana aan la shaacin tiradooda,

Ciidamada Amaanka ayaa sidoo kale soo bandhigay Sawirada Meydadka  5 kamid ah  maleeshiyadii Weerarka geystay Caawo,

Fadlan Hadii Aadan Awoodin Ha isku  Daawan