DAAWO SAWIRRADA: Al-Shabaab oo baahiyay muuqaalka Hogaamiyahoodii hore Axmed Godane

Kooxda Al-Shabaab ayaa markii ugu horreysay si rsmi ah u baahisay muuqaalo laga dhax arkayay hoggaamiyihii hore ee Maleeshiyadaas Axmed Cabdi Godane, oo Shabaabku yaqaanaan Sheekh Mukhtaar Abuu Zubeyr.

Axmed Cabdi Godane, ayaa bilowgii Bishii September sanaddii 2014 lagu dilay duqeyn ay dowladda Mareykanka la beegsatay isaga oo ku sugnaa duleedka degmada Baraawe ee gobolka Sh/Hoose.

Muuqaalka Godane ayaa waxaa lagu baahiyey filim cusub oo ay soo saartay Waaxda Warfaafinta ee Shabaab u qaabilsan kaasi oo ka sheekeynaya taariikhda Godane.

Filimka oo loogu magac daray Masiirka Sugnaanta ayaa waxaa si aad ah looga hadlayaa Taariikhda Godane, waana markii ugu horreysay oo filim lagu soo muujiyo Wajiga Axmed Godane,

Waxaa horey u jiray muuqaallo kala duwan oo la sheegay inuu ahaa Godane, oo la baahiyey, waxaase hadda muuqata inay ahaayeen kuwa aan sax ahayn, sida ka muuqata muuqaalka ay Shabaab baahiyeen.

Jabril Yahye Isse                                                                                              Goobsan Media Inc