Daawo Sawirada: Qaabka loo fuliyay toogashadii ninkii ka dambeeyay qaraxii suuqa Beerta

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay nin qirtay inuu ka dambeeyay qaraxii bishii November ee sanadkii hore ka dhacay Suuqa Beerta ee degmada Waabari, kaasoo ay ku dhinteen illaa 30 qof oo u badnaa Ganacsatada Suuqa.

C/qaadir Cabdi Xasan oo ahaa 40-jir ayaa saaka lagu fuliyay dil toogasho ah, kaddib markii Maxkamadda ciidamada qalabka sida ay dil ku xukuntay bishii March ee sanadkan.

Ninkan ayaa la qabtay xilli uu doonayay inuu is qarxiyo, isla markaana watay gaari caasi ah oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, hase ahaatee inta aanu qarxin ka hor ayay ciidamada amniga qabteen, isla markaana intii su’aalaha la weydiinayay ayaa waxaa qarxay gaarigii uu watay.

Maxkamadda ayaa horay xukun xabsi min 15 sano ah ku riday labo nin kale oo ku lug lahaa qaraxa gaariga caasiga ah, kuwaasoo laga soo qabtay Garaash lagu diyaariyay gaariga qarxay.

Sanadkan gudihiisa Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa fulisay xukuno dil ah oo dhowr ah, kuwaasoo ka kala dhacay Muqdisho iyo Baydhabo, waana dilkii ugu badnaa ee la fuliyo saddexdii bilood ee uu Madaxweyne Farmaajo xilka hayo.

Hey’addaha xuquuqda aadanaha iyo ururka Midowga Yurub ayaa walaac ka muujiyay xukunada dilka ah ee ay fuliso dowladda Soomaaliya, waxaana ay ugu baaqeen dowladda inay joojiso dilka.