Curad ay cayayaan ciileen!

Cabdiraxman Cabdishakuur, si walba, oo looga aragti duwanaa karo, haddana, waa aqooliye siyaasadeed iyo xog ogaal bulsheed.

Kaalinta dhisme dawladeed, taagid kaabiye qarameed iyo adkaynta haykal maamuleed, markii Cabdiraxman Cabdishakuur uu dhexda iyo dhumucda u ahaa, may, markii uu horseedka iyo hormuudka u ahaa, kuwii garaabada gaws dambeedka ku guri jiray, ayaa xalay gurigiisa ku weeraray.

Cabdiraxman Cabdishakuur, hadduu qarandumis yahay, shalay marka uu magaalada Jabuuti ku soo dhisayey DAWLADDA MIDNIMO QARAN, kuwan xiiqsan xaggee jireen?.

Cabdiraxman Cabdishakuur, hadduu dawlad diid yahay, markii ay oggolaanayeen aragtida ah, awood qaybsiga siyaasadeed iyo maamul wadaagga, kuwan xiiqsan xaggee jireen?.

Cabdiraxman Cabdishakuur, 10kii gu’, ee dambeeyey, wuxuu siyaasadda dalka ku ahaa go’aamiye (xildhibaan), fuliye (wasiir), fududeeye (kaaliye QM), fekere (curiya aragtiyo siyaasadeed) heer uu labo mar isu taagay ka qaybgalka tartanka qabashada madaxnimada dalka.

Kuwa xalay weeraray, kuwa soo abaabulay iyo kuwa ku faraxsanba, waayo’aragnimada siyaasadeed ee Cabdiraxman Cabdishakuur toban dalool hal dalool xitaa ma lahan.

Iga ma ahan ammaan iyo kalgacayl aan u hayo Cabdiraxman Cabdishakuur, balse, in cabsi badan laga qabo, waxaa daliil ah, xilliga weerarka la qaaday, ciidanka qaaday, qaabka loo qaaday, dilidda ilaalada sharciyeysan, ee gurigiisa ammaankiisa sugaysay, isaga dhaawiciisa -oo la rabay malaha, in la dilo!-, gargaar caafimaad u fidin la’aanta, xiriddiisa, oo 24saac ku dhawaad uu xiran yahay eedeyn la’aan, hadalka Aljaziira ay ka qortay dhacdada IQKB.

Murti ayaa dhahaysa: “Nimaan talin jirin hadduu taliyo, nimaan tagi jirin ayaa taga” mid kale waxay leedahay: “Nimaan qaybin jirin hadduu qaybiyo, nimaan qadi jirin ayaa qada” mid kale ayaa oranaysa, dadka saddax ayaa ugu xun: “Tiraab xume, Talo xume iyo Tab xume” tu kale waxay ahayd: “…………Muuse waa kaa!”.

F.G: Keliya waxaan ka fiirshay inta uu jago iyo jaangoyn u soo joogay iyo inta ku duushay inta ay u soo jaacooreen jaajaabnimo!

W/Qoray: Bashiir M. Xirsi