Buurnida iyo Caatada Saa’idka ah oo la ogaaday inay sabababi karaan Dhalmo yarida Dumarka

Cilmi Baaris ay sameeyeen Khuburo ka tirsan  Isbitaalka Queen Elizabeth ee ku yaala Dalka Ingiriska ayaa lagu ogaaday in Haweenka Buuran ama xadiga baruurtu ku badantahay ay  kala bar ka rajo yartahay xaalada ay uur ku qaadi karaan marka loo fiiriyo Hablaha Da’dooda ah ee hadana miisaankoodu dabiiciga yahay.

Daraasadan cusub oo khubarada samaysay ay ka tirsan yihiiin Jaamacad uu leeyahay cisbitaalka wayn ee Queen Elizabeth  ayaa muujisay in 60% (Boqolkiiba Lixdan) Dumarka Miisaankoodu uu caadiga yahay marka loo eego kuwa aadka u buuran ay ka rajo badan yihiin saadaal ahaan xaga Uurka.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in dumarka aadka u dhuuban ama miisaankoodu yaryahay qudhoodana ay yartahay rajadooda dhalmo ama ay uur ku qaadi karaan.

Khubaradani waxa ay nuxurka daraasaddooda ku soo ururiyeen in Miisaanka Saa’idka ah ama dhuubnida (caatada) badani ay khalkhaliyaan Dheecaannada (Hormoonno) dhalmada iyo Dhiiga caadada isla markaana ay daciifiyaan awoodda ugxaanta ee dumarka taas oo la’aanteed aanu suurto galayn Uurka.