Akhriso: Wasiirka Amniga oo qaaday tilaabo aanan looga baran Dowladda Federalka Soomaaliya

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmahan wuxuu noqday mid ka fara baxsaday Ciidamada Dowladda Federaalka, kadib markii ururka Al-shabaab ay dharaar cad weeraro toos ah ka geysteen degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir.

Dilalkii ugu dambeeyay ee Muqdisho ka dhaca waxaa ka mid ah dilkii Waaxda Horseed laanta Iskaashi ee degmada Waaberi xilli habeen ah 24-kii September loogu geystay General Cabdulle (Qururux) oo horey u soo noqday Taliye ku xigeenkii hore ee saadka Ciidanka xoogga dalka.

Sidoo kale maalin Arbaco ah 27-kii September Isgoyska VIA ROMA waxaa lagu dilay Xoghayihii ururka Haweenka Qaranka iyo wiil ay dhashay Guddoomiyaha ururka Haweenka Qaranka Batuulo Axmed Gabale, dilkaasi waxaa sheegtay Shabaab.
Intaasi kadib Khamiistii ina dhaaftay Wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle) ayaa walaac ka muujiyay falalka amnidarada ee ka dhacay magaalada Muqdisho iyo dilalka qorsheysan.

Maxamed Abuukar Islow ayaa sheegay in loo baahan yahay soo qabashada dadkii ka dambeeyay dilalkii Xamar weyne ka dhacay, waxaana uu intaasi ku daray, haddii la soo qaban waayo in Saraakiil badan oo ciidamada ka tirsan xilka inay ku waayi doonaan, ama isaga uu is casili doono.

Wasiir Islow ayaa sheegay in illaa Axada oo shalay ku beegneyd loo baahan yahay in jawaab cad laga bixiyo ficilkaasi dhacay oo haddii illaa Axada jawaab la heli waayo dad badan xilka in laga qaadi doono.

Shalay oo Axad aheyd laguna balansanaa in la soo bandhigo baaritaanka natiijadii ka dhalatay weerarkii ka dhacay Xamar Weyne ayaa Wasiirka Amniga wuxuu xilalkii ka qaaday Taliyeyaasha Booliska iyo Nabad Suggida Degmada Xamar weyne.

Wasiirka amniga ayaa Saxaafadda u sheegay labadaasi Taliye oo shaqadooda gabay in xilalkii laga qaaday xabsigana la dhigay si baaritaan dheeri ah loogu sameeyo, 12 Askari kalena la xiray.

Tallaabada shalay uu ku dhawaaqay Wasiirka amniga ayaa aheyd mid si wayn u muujinaysa isbedelka ku aadan sida ay madaxda uga go’an tahay in  meesha laga saaro Saraakiisha ciidanka ee curyaaminaya shaqada Qaranka.

Dadka odorasa arrimaha ammaanka ayaa talaabada uu qaaday Wasiirka amniga waxa ay ku sheegeen in ay aheyd talaabo aan horey looga baran Dowladda Federaalka, muhiimna ay tahay in la sii dardar geliyo shaqada ceenkaan oo kale ah.

Caqabada ugu weyn ee dhanka ammaanka ka heysata Dowladda Federaalka ayaa dadka qaar waxa ay ku sheegeen in ay yihiin Al-shabaab, kuwaasi oo weeraro toos ah, Qaraxyo iyo dilalba ka geysta magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka.