Akhriso: Warbixin dhameystiran Galmudug maloo gafay mase waa loo garaabay!?

Warbixintan oo aan ugu magac darnay Galmudug maloo gafay mise waa loo garaabay, waxaan ku eegi doonaa Xiisada siyaasadeed ee maamulka Galmudug halka ay ka soo bilaabatay iyo sida Madaxda Galmudug iyo Dowladda Federaalka ay uga hadleen.

19-kii September War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha mamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) ayaa lagu taageeray go’aanka xulufada Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta, waxayna ka soo horjeesteen dalka Qadar, sidoo kale warkan waxaa lagu sheegay sababta Galmudug ay u taageertay Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta in ay tahay xiriir wanaagsan oo kala dhexeeya.

21-kii September Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey), Guddoomiyaha Baarlamaanka, iyo Guddoomiye ku xigeenka ayaa Qoraal wadajir ah oo ay ka soo saareen Cadaado waxay kaga soo horjeesteen go’aankii ka soo baxay Madaxweyne Xaaf, kaas oo lagu taageerayay xulufada Sacuudiga.
21-kii September War saxaafadeed ka soo baxay Galmudug gaar ahaan xafiiska Madaxweynaha ayaa waxaa lagu eedeeyay Madaxtooyada Soomaaliya inay fara gelin ku heyso maamulkooda, waxaana gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ku eedeeyeen in fara gelin xambaarsan dhiilo qabiil ay ku hayaan.

22-kii September Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug qeybta Galmudug waxaa ka dhacay Banaanbax lagu taageerayay go’aankii Madaxweyne (Xaaf) uu kula safaday xulufada Sacuudiga, kaasi oo ay dhigeen dadweyne u badnaa caruur iyo haween.

23-kii September Kulan ay ku yeesheen Magaalada Cadaado Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug ayay ku baaqeen in la dejiyo Khilaafka u dhaxeeya Mas’uuliyiinta Sare ee Galmudug, waxaana ay sheegeen in Galmudug ay leedahay Dastuur, islamarkaana ay doonayaan in ay isaga ku kala baxaan cidii uu Khilaaf soo gala dhexgalo.

24-kii September Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) oo dib ugu laabtay magaalada magaalada Cadaado, kadib safar shaqo oo uu kaga yimid magaalada Abu Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa wuxuu sheegay Diyaarad uu ka soo raaci lahaa Cadaado in ay xayirtay Dowladda dhexe mudo Shan saac ah.

24-kii September Golaha Wasiiradda maamulka Galmudug ayaa kulan deg deg ah ku yeesheen Magaalada Cadaado ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Galmudug waxay soo saareen qoraal ka koobnaa dhowr qodob, kaasi oo uu ugu muhiimsanaa in Cadaado aan lagu qaban karin shirarka siyaasadeed inta ay xiisadu kacsan tahay.

26-kii September oo shalay ku beegneyd Gudoomiyaha Baaralamaanka Maamulka Galmudug Cali Gacal Casir oo u waramay Risaala ayaa wuxuu sheegay in laga dhigay Xabsi guri oo loo diiday inuu ka baxo Madaxtooyadda Maamulka Galmudug isaga iyo masuuliyiin kale.

26-kii September oo isla shalay aheyd Golaha Wasiirada maamulka Galmudug oo kulan deg deg ah ku yeeshay magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah maamulka Galmduug ayaa waxa ay ayideen go’aankii Madaxweyne Xaaf uu ku taageeray xulufada Sacuudiga, sidoo kale Wasiirada ayaa beeniyay warqad baraha bulshada lagu faafiyay, taasi oo ku dhigneyd in Galmudug ay xiriirka u jartay Dowladda Dhexe.

26-kii September oo sidoo kale shalay ay ku beegneyd Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka Galmudug oo gaaray 47 ayaa mooshin ka keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Galmudug Cali Gacal Casir, kaasi oo ay ku eedeeyeen ilaa sagaal qodob.

Arrinta xiisada sii kicisay ayaa waxa ay aheyd kadib markii shalay gelinkii dambe xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka Galmudug ay sheegeen in ay xilkii ka qaadeen Madaxweyne (Xaaf), kuwaasi oo sheegay in tiro ahaan ay gaarayaan 55.

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaalle (Xaaf) oo ka hadlay talaabadii xildhibaano ka tirsan maamulka Galmudug ay sheegeen in ay xilkii kaga qaadeen isaga ayaa sheegay in warkaasi uu yahay waxba kama jiraan, ayna wataan dad dano gaar ah leh.

Dowladda oo arrintan war ka soo saartay ayaa waxa ay sheegtay in ay cambaareyneyso falalka aanan waafaqsaneyn sharciga iyo hannaanka dimoqraadiga ee lagu xayiray dhaqdhaqaaqyada Madaxweyne ku xigeenka, Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka GalMudug, waxeyna ku baaqday in si deg-deg ah xorriyadooda loogu soo celiyo si ay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah.

Sidoo kale Dowladda ayaa ku baaqday in la ixtiraamo go’aankii uu Baarlamaanka GalMudug gaaray shalay oo taariikhdu tahay 26 September 2017, loona hoggaansamo sareynta sharciga.

Shacabka reer Galmudug ayaa ku wareersan sida ay xaaladu tahay oo ay wax u socdaan, waxaana qaarkooda ay sheegayaan in Dowladda ay faragelin ku heyso siyaasadda Galmudug, halka qaarka kalena ay sheegayaan in masuuliyiinta Galmudug aysan is ixtiraameyn loona baahan yahay isbedel.

W/D:- Abdirashiid Ali Dubbad (Gacal)