Akhriso: Hamigii Raila Odinga iyo Rajadii Aqoonsiga Maamulka Soomaaliland

Hoggaamiyaha Mucaaradka dalka Kenya Raila Odinga ayaa xiligii uu waday Ololihiisii doorashada xalay lagu soo gabagabeeyay dalka kenya waxa uu sheegay in hadii uu guuleesto uu aqoonsan doono Maamulka Soomaaliland.

Raila Odinga ayaa sheegay in uu dib u soo celin doono rajada Soomaaliland ay waligood ka qabeen in uun mar loo aqoonsado in ay yihiin kuwo ka Go’ay Soomaaliya inteeda kale.

Sidoo kale qodobada oo uu soo hadal qaaday ayaa waxaa ka mid ahaa in dalka Soomaaliya guud ahaan uu ka saari doono ciidamada Kenya oo ka mid ah howlgalka Amisom ee dowladda Soomaliya caawiya.

Hadaba soomaaliland ayaa rajo ka qabtay in hadii uu guuleesto Raila Odinga ay ka heli doonaan,balse taasi waxa ay soo gabagabowday xalay xiligii dambe markii lagu dhawaaqay in uu markii labaad uu Guulestay Uhuru Kenyatta.

Sidoo kale waxaa xusid mudan in Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo,uu hambalyo isla xalay u diray Madaxweynaha markii labaad la doortay ee Uhuru Kenyatta.

W/Q/ Cabduqaadir Jakaarta