Afhayeenkii Maleeshiyada Al-Shabaab Oo ku dhuumaaleeysanaya Gobolka Gedo

Sida ay sheegayaan wararka Afhayeenka Maleeshiyaadka Al-shabaab Cali Maxamuud Ragge (Cali dheere) ayaa gaaray qeybo kamid ah Gobolka Gedo ee Koonfur Dalka Soomaliya.

Mas’uuliyiin ka Tirsan maamulka Gobolka Gedo ayaa warbaahinta u sheegay in khilaaf uu soo kala dhexgalay Cali Dheere iyo Horjeege Fiidow taasina ay keentay in uu u baxsado deegaan u dhaw duleedka deegaanka Ceel cadde ee Gobolkaas.

Dhanka kale Taliyaha qeybta 43 Aad ee ciidanka xoogga dalka General Cismaciil saxardiid oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in qeybo ka mid ah gobolkaas uu gaaray Afhayeenka Al-shabaab.

Taliyaha waxa uu  sheegay in uu kordhay khilaafka adag ee u dhaxeeya hogaanka Al-shabaab.

Horaan waxaa deegaankaas gaaray Hogaamiyaha Guud ee Maleeshiyaadka Al-shabaab, Axmed Diiriye (Abuu Cubeyda).

Jabril Yahye Isse                                                                                                Goobsan Media