Todobaad ayaa ka soo wareegay markii dalalka uu Sacuudiga hoggaamiyo (Imaaraadka, Baxreyn, Masar iyo kuwa kale) ay xiriirka u jareen dalka, wax cunaqabateyn u egna ay saareen dalka yar ee carbeed ee Qatar, labada dhinacba waxa ay raadiyeen isbaheysiyo.
Dowladda Soomaaliya ayaa si degdeg ah u qaadatay mowqif ay ku sheegtay dhexdhexaadnimo, balse u muuqday in ay la safatay Qatar oo Turkiga iyo Iiraan taageera ka heshay.
Mowqifka ay Soomaaliya qaadatay waxaa ka dhashay in xiriirka Soomaaliya iyo dalalka Sucuudiga iyo Imaaraadka uu durbaba xumaado; waxaa weji gabax ku soo dhacay wafdi wasiira ah oo ay ahayd in ay soo galaan heshiisyo oo Sacuudiga booqanayay, warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Sacuudigu uu madaxweynaha Soomaaliya u sheegay in ay joojiyeen mashaariic ay lacag badan ku kaceysay oo loo soo ballan qaaday booqasahdii uu dhowaan ku tagay Riyaad, kadib markii uu Farmaajo ku gacan seyray codsiga wafdi heer sare ah oo todobaadkan bartamihiisa Villa Soomaaliya yimid.
Qatar oo arrinkaas ka jawaabeysa waxa ay Soomaaliya u soo dirtay wafdi uu hoggaaminayo wasiiru dowlaheeda arrimaha dibadda Suldaan Bin Saad Al-Muraikhi, si ay u hubiso isticmaalka badda iyo hawada soomaaliya oo muhiim u ah xilligan.
Sucuudiga oo taa ka jawaabaya walina aanan ka quusan Soomaaliya ayaa mar kale laga yaabaa inuu soo diro wasiirkiisa arrimaha dibadda.
Warbixintan waxaan ku eegeynaa sida mas’uuiyiinta dowladda ugu kala qeybsan yihiin labada garab, sababta iyo waxa ka dhalan kara haddii ay Soomaaliya qaadato go’aan ku aaddan khilaafka labada dhinac.
Abaalkii Doorashada:
Dowladda Qatar oo soo mareysa wariyihii hore ee Al-Jazeera Fahad Yaasiin, haddana ah agaasimaha villa Soomaaliya waxa ay dhaqaale ahaan taageertay madaxweyne Farmaajo doorshadii uu Febraayo ku guuleysaty, sidaa owgeed waxa uu Qadar la yahay saaxiib ka dhow Imaaraadka iyo Sacuudiga.
Imaaraadka oo wakiil ka ah siyaasadda waddamada hadda isbaheysiga sameystay, doorashadii la soo dhaafay cidna ma taageerin balse waxa uu si aad uga soo horjeestay madaweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo siyaasad ahaan la safnaa Turkiga oo khilaaf kala dhaxeeyo Imaaraadka, sidaas darteed Imaaraadka iyo Isbaheysigiisa (Sucuudiga, Masar iyo Bahreyn) waxa ay xildhibaannada u sheegayeen in ay doortaan cid kasta oo aan ahayn Xassan Sheekh, balse markii uu Farmaajo soo baxay waxa ay u muujiyeen in ay isaga taageersan yihiin, waxa ayna ugu yeereen dalkooda booqashadii ugu horreeysay ee uu dibadda ku aado.
Sidaas darteed labada dhinacba waxa ay dowladda Soomaaliya ku sheeganayaan abaal, waana sababta ay u adkaatay in ay mas’uuliyiintu go’aan gaaraan.
Kala safashada mas’uuliyiinta dowladda:
Marka laga hadlayo sida ay mas’uuliyiinta dowladda ula kala safan yihiin labada dhinac, ma aha arrin sibiq ku yimid ee waa dadaal istraatiijiyadeeysan oo dhan walba uu sameynayay 6dii sano ee u dambeysay, waana arrin meesha ka saari kara mid kamid ah labada kooxood ee hadda dowladdu ka kooban tahay.
Waa kooxda hore e, waxa ay ka sameysantay dadaal uu safiirka Imaaraadka bixinyay afartii sano ee u dambeysay kadib markii uu ku hungoobay inuu dowladdii hore ku qanciyo siyaasadda Imaaraadka.
Waxa uu sameeyay koox loogu yeero “Saaxiibada imaaraadka” oo uu ugu weyn yahay Ra’iisul Wasaaraha iminka talada haya Xasan Cali Kheyre, Waxaa intaa dheer in dhammaan madaxda maamul goboleedyada oo uu ku jiro madaxweyanaha cusub ee Galmudug uu Imaaraatku la galay heshiisyo hoose oo dhanka dekedaha iyo ciidamada ah. Waddamda deriska gaar ahaan Kenya ayuu sidoo kale Imaaraadku xiriir fiican la sameystay.
Kooxdaan waxaa bah-wadaag la ah koox kale oo Sucuudigu uu taageero “Ictisaam” oo ay kamid yihiin culimo ku mideysan Hay’adda Culumada Soomaaliyeed, waxaa la wada xusuustaa khudbaddii uu guddoomiyaha hay’addaas Sheekh Bashiir Axmed Salaad jeediyay maalintii doorasahda. Kooxdan waxaa xiriiriye u ah safiirka Sucuudiga Daahir Maxamuud Geelle.
Kooxda labaad ee taageersan Qatar waa Agaasimaha Villa Soomaaliya Fahad Yaasiin iyo madaxweyne Farmaajo oo aad saaxiibo u ah, balse marka ay timaado in uu khilaaf dowladda dhexdeeda ah yimaado, waxaa wehliya kooxdan taageerada xooggan ee uu shacabka horay madaxweynaha uga heystay iyo taageerada kale ee shacabku u hayaan Qatar iyo Turkiga oo Soomaaliya barbar istaagay xilligii adkaa.
Mucaaradka xaggee ka taagan yihiin?
Labada kooxood ee ugu saameynta badan mucaaradka kana dhex muuqda golaha shacabka iyo aqalka sare waa; xisbiga Daljir iyo xisbiga PDP oo siyaasad ahaan loo yaqaanno QABYO. waxa ay si buuxda u taageersan yihiin Qatar iyo Turkiga oo si toos ah u taageera, koox diimeed ahaanna waxa ay ku abtirsadaan Akhwaan Muslimiin oo xarumahooda ugu waaweyn yihiin Dooxa iyo Istanbuul.
Koox-siyaasadeedka labaad waa QABYO oo qiyaastii 100 xildhibaan ku leh golaha shacabka oo kaliya, waxa ay siyaasad ahaan la safan yihiin Qatar iyo Turkiga, waxaana laga yaabaa in ay dowladda Farmaajo cadaadis ku saaraan go’aannada ay qaadaneyso marka khilaafka khaliijka laga hadlayo.
Kooxda saddexaad ayaa ah ganacsatada siyaasadda ku jira oo si toos ah ugu xiran Imaaraadka iyo Kenya, si ay danahooda ganacsi oo waddamadaas ku xiran u ilaashadaan, waa qeybta kaliya ee aan dowladda ku jirin ee la safan karta Isbaheysiga ka dhanka ah Qatar.
Maxaa la fili karaa? Sideese habboon?
Marka laga yimaado; laab lakaca shacabka oo la duuban Qatar iyo Turkiga, Saaxibtinimada Fahad Yaasiin iyo madaxweyne Farmaajo oo ah waxa kaliya ee isku haya Qatar iyo madaxweynaha ma jirto dano kale oo la ogyahay oo dowladda Soomaaliya ku qabto la safasahada Qatar, balse waxaa jirta in Turkigu uu Soomaaliya ku taageero miisaaniyada lacag aan ka badneyn 5 Milyan oo dollar.
Balse dhanka kale haddii aan eegno ka sokow saaxiibada ay dowladda ku dhexleeyihiin, waxa ay Soomaaliya u ballan qaadeen balaayiin doollar oo mashaariic lagu fulinayo, shirkadahooda waxa ay la wareegeen dhammaan dekedaha dalka marka laga reebo dekadda Muqdisho, waxa ay wax ka bixiyaan mushaaraadka ciidanka iyaga oo gacan ka geysta tababaridda ciidamda.
Kooxda uu Sacuudigu hoggaaminayo waxa ay taageera buuxda ka heystaan dalalka Mareykanka iyo ingiriiska oo gacanta ku haya siyaasadda Soomaaliya, sidaa darteed mowqif kasta oo ka dhan ah siyaasadda dalalkaas oo ay dowladdu qaadato waxa uu wiiqi karaa taagaareeda ay Soomaaliya siiyaan oo ay ku jirto ciidamada AMISOM, mushaarka shaqaalaha, deeqaha kale ee midowga yurub iyo mareykanku bixiyaan, waana arrin sababi kara saameyn weyn oo aanay ka soo kabsan Soomaaliya mar kale.
Madaxweyne Farmaajo waxa uu taagan yahay isgoys ah in uu kala doorto Soomaaliya iyo saaxiibkiisa la aaminsan yahay inuu sabab u ahaa inuu madaxweyne noqdo, waxaana la kala ogaan doonaa maalmaha soo socdo.