Waxa ay hay’adda caafimaadka adduunku shaacisay 4/3/20ka xogtii ugu dambaysay ee cudurka gilgilay dhaqaalihii dunida iyo qalbiyada bini aadamka, loona garan ogyahay Koronafayras. Waxa ayna sheegtay in dhibbanayaasha uu cudurkani saameeyay illaa hadda adduunka oo idil ay gaarayaan 90,943 qof oo 2,075 qof oo ka mid ah laga diiwaan geliyay 35 dal oo ka baxsan shiinaha. Wadamada ugu kiisaska badan marka shiinaha laga reebo waxa ay kala yihiin; talyaaniga, iiraan iyo kuuriya. Waxa illaa hadda cudurkan u dhintay 3,160 qof.
Waxaa xusid mudan in xanuunkan dad badani si iskood ah uga bogsadeen, qaar kalena uu si fudud u saameeyay. Guud ahaan tirada dalalka uu cudurkani gaaray illaa iyo haatan waa 75 dal, oo 47 ka mid ah 10 kiis iyo wax ka yar laga diiwaan geliyey, halka 119ka dal ee kale oo caalamkana aan wax kiisas ah laga diiwaan gelin oo uusan cudurku gaarin.
Qormadani waxa ay ku saabsan tahay inta xog ee illaa hadda laga ogyahay Cudurka Koronafayras. Waxa suurta gal ah in ay wax iska badalaan inta hadda laga ogyahay, oo ay xaqiiqooyin daahsoonaa soo if-baxaan, maadaama uu cudurku weli cusub yahay oo aan xog xaqiiqa ah oo dhamaystiran laga hayn.
Waa maxay 2019n-CoV?
Cudurkani waxa uu ku caan baxay magaca Koronafayras, hase ahaatee sida saxda ah, Koronafayras waa magaca guud ee koox ka mid ah fayraska, taasoo uu ka mid yahay cudurkan hadda dunida faraha ba’an ku haya, magaca ay hay’adda caafimaadka adduunku u bixisayna uu noqday 2019 novel coronavirus (2019n-CoV). Waxa uu cudurkani waxyeello daran u gaystaa habdhiska neefsashada. Markii ugu horaysay waxa uu cudurka 2019n-CoV ku dhacay koox dad ah oo qabay cudurka oofwareenka, kuwaasi oo xiriir la lahaa cunnooyinka badda iyo suuqa xayawaanka nool ee magaalada wuhan ee dalka shiinaha. kadib cudurku waxa uu ku fiday ehelladoodi iyo shaqaalihii caafimaadka, sidaas ayuuna fiditaankiisu ku bilawday. Waxaana jira haatan kiisas fara badan gudaha dalka shiinaha iyo in kabadan 70 dal oo kale.
Maxaa sababay 2019n-CoV?
In kastoo aan wali la xaqiijin nooca uu yahay, hadana waxa jira tuhun ah inu cudurkani uga yimid dadka dhinaca xayawaanka, si la mid ah xanuuna horay u jiray oo ay bahwadaag yihiin, kuwaas oo kala ah; SARS (severe acute respiratory syndrome) iyo MERS (middle east respiratory syndrome) oo la sheegay in ay ugasoo gudbeen dadka dhinaca xayawaanka. Hadaba madaama uu 2019n-CoV markii ugu horraysay ka dillaacay suuq lagu iibinayay xayawaanka oo ku yaalla magaalada wuhan ee shiinaha, waxa loo badinayaa in uu cudurku ka dhashay xayawaanka, sidaasna ugusoo gudbay bini aadamka.
Sidee ku fidaa 2019n-CoV?
Sida dhabta ah ee uu cudurkan 2019n-CoV ku fido wali lama xaqiijin, laakiin maadaama uu cudurkani haleelo neefmareenka, waxa uu fiditaanka kala mid noqonayaa xanuunada kale ee ku dhaca neefmareenka, kuwaas oo inta badan ku fida dhibco gala hawada marka uu qof xanuunku saameeyay qufaco ama hindhiso (droplets), dabadeedna uu qof caafimaad qabaa hawa ahaan u qaato/jiido ama uu taabto wax/shay qofkii xanuunka qabay uu taabtay.
Yaa khatar ugu jira 2019n-CoV?
Maadaama la tuhunsan yahay in xanuunkani ka yimid xayawaanka, waxa laga digay in ay khatar ugu jiraan dadka xiriirka dhow la leh xayawaanka. Waxa kale oo xanuunkan ay fududahay inu ku dhoco dadka xannaaneeya bukaannada xanuunka qaba sida; ehelladooda iyo shaqaalaha caafimaadka. Dadka da’doodu ka wayntahay 60 sano ama qaba xanuunnada ay kamid yihiin; sonkorowga, xanuunnada wadnaha iyo habdhiska neefsashada la xiriira ayaa ayana aad ugu nugul cudurka 2019n-CoV.
Waa maxay astaamaha 2019n-CoV?
Cudurka 2019n-CoV, xilli huursigiisu (inta u dhaxaysa gelidda jeermiska ee jirka iyo soo bixidda astaamaha) waa 2 todobaad. Inta la ogyahay, waxa jiri kara calaamado qaarkood si yar ku bilawda ayagoo kasii dara marba marka ka dambaysa oo ay kamid yihiin; Qandho, Qufac, cunaha/dhuunta oo xanuunta, neefta oo ku adkaata qofka. Bukaanada qaarkood astaamuhu si fudud ayay ugaso baxaan, halka Kiisaska heerka liita gaarana ay isu badalaan xanuunka oofwareenka, kiliyuhuna howlgab noqdaan.
Waa maxay Baadhitaanka, daawada iyo tallaalka 2019n-CoV?
Waxa lagu xaqiijin karaa kiisaska Cudurka 2019n-CoV baaritaanka PCR (polymerase chain reaction). Ma jirto inta la ogyahay daawo lagula tacaali karo cudurkan ama xittaa tallaal lagaga hortagi karo. Bukaannada xanuunkani saameeyay waxa hadda lagula tacaalaa kaalmaati. Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka adduunku (WHO), waxa ay howshoodu socotaa in ka badan 20 tallaal adduunka oo dhan, sidoo kale waxa tijaabooyin lagu wadaa daawooyin dhowr ah, waxana la filayaa natiijada ugu horraysa in ay soo baxdo todobaaddada soo socda.
Sidee looga hortagi karaa ama loo xakamayn karaa 2019n-CoV?
Daboolidda sanka iyo afka marka aad qufacayso ama hindhisayso, ka fogaanshaha dadka aad ku aragto calaamadaha hargabka, Isticmaalidda maskaraatiga, u dhaqashada gacmaha si joogta ah adoo isticmaalaya saabuun iyo biyo ama jeermis dile, ka taxadaridda taabashada sanka, afka ama wajiga guud ahaan, ka fogaanshaha xayawaanka ama dhaqashada gacmaha kadib taabashadooda, Cuntada xayawaanka oo si fiican la isaga kariyo, safarrada aan lagama maarmaanka ahayn oo la yareeyo iyo shaqaalaha caafimaadka oo sida loogu talagalay u isticmaala qalabka la isku ilaaliyo (personal protective equipment), dhammaan arrimahani waa siyaabaha lagaga hortagi karo ama lagu xakamayn karo cudurka 2019n-CoV.
Diin ahaan
Dhibaata kasta oo adduunka ka dhacda bini aadamka ayaa gacmohooda ku sababsaday, walibana ilaahay in badan ayuu inoo dhaafay, sida alle weyne inooku sheegay Qur’aanka “Waxa dhib idin haleelay waa in kamid ah waxad gacmihiina ku kasbateen, in bandanna waa la idinka cafiyay.” ﴾42:30﴿. Sida ka sugan suubaneheenna NNKH, ilaahay masoo dejiyo cudur aan daawa lahayn, in casrigan lagu jiro waxba adduunku ka qaban waayo xanuunkan oo uu halakeeyo wadamada adduunka ugu dhaqaalaha iyo hormarka sareeyey waa aayad ilaahay ku tusayo bini aadamka awooddooda iyo sida ay uga hooseeyaan waxa ay isu haysteen.
Sida uu Anas, Allah haka raalli noqdee kasoo weriyay suubaneheenna MUXAMMAD NNKH, wuxu ahaa Nabigu NNKH mid ku ducayta; “Ilaahayow waxan kaa magal galayaa baraska, waalida, juudaanka iyo dhammaan xanuunada xunxun.” Waxana lagula talinaya dadka muslimiinta ah in ay badsadaan ducadaan xilligan adag ee lagu jiro, welwelka iska yareeyaan, qadarka ilaahayna ku kalsoonaadaan, markastana xasuusnaadaan in aysan ajashooda ka hormarayn kana dibmarayn, ayaga oo ka qayb qaadanaya inta karaankooda ah xakamaynta cudurka meel ay joogaanba.
Gabagabo
Intaas aan kasoo hadalnay waa xogta illaa hadda adduunku ka ogyahay cududrkan sida xawliga ah ugu faafaya dunida, kanasoo bilawday dalka shiinaha, haddana wadamo badan oo dunida ah ku fidaya. Aragtida ay qabaan muslimiin badan oo daafaha dunida ku nool ayaa ah, in uu cudurkani ka dhashay, xaq-gudubka iyo ciqaabta nooca kasta leh, ee meelo badan oo dunida ka mid ah lagu hayo, dad aan waxba galabsan oo muslimiin ah. Waxa ayna tuhunka ah in uu cudurku ka yimid xayawaanka ku tilmaameen waxba kama jiraan, ayaga oo ku dooday in aysan bilaaban cunidda iyo la macaamilka xayawaanku bilihii koobnaa ee uu Koronafayras soo kordhay, tanina ay tahay ciqaab xag Alle ka timid, cidduu doonana haleeleysa gaal iyo muslimba. Allena waxa uu ku yiri aayad Qu’aan ah; “ka cabsada dhib aan ku gaar noqonayn kaliya kuwa xadgudbay ee idinka midka ah, ogaadana in uu ilaahay ciqaab daran yahay” ﴾8:25﴿.
Talobixin
Dawladda:
1. In la diyaariyo qorshaha qaran ee u diyaar garowga cudurka, markastana indhaha lagu hayo xogta kasoo cusboonaanaysa.
2. In si dhaqso ah la isugu diyaariyo heer federal iyo heer maamul goboleedna la isu kaashto, sidii cudurkan looga jawaabi lahaa sida ugu degdegga badan oo ugu macquulsan.
3. In la diyaariyo sida ugu degdegga badan ee loo xaqiijin karo kiisaska cudurka iyo qalabka loo isticmaalayo ,tababarna la siiyo shaqaalaha caafimaadka.
4. In la diyaariyo meelihii dadka cudurka laga helo lagu karantiimi lahaa, iyo daawooyin kaalmaati ah oo loo isticmaali karo neefmareenka.
5. in wacyi-gelin loo sameeyo, dadkana la baro khatarta cudurka iyo doorkooda ku aadan ka hortagga iyo xakamaynta cudurka.
6. In si degdeg ah ilaala gaar ah (surveillance) looga qabto cudurka, maxaayeelay in dhaqso loo ogaado qofka qaba waxay muhiim u tahay ka hortagga fiditaanka cudurka.
7. In laga baaro dadka qaba oofwareenka iyo xanuunada kale ee ku dhaca neefmareenka qaybtiisa sare, xaaladdooda caafimaadna lala socdo, si uusan ugu gabban koronafayras.
8. In xarumaha caafimaadku dardargeliyaan dhaqangelinta hababka ka hortagga iyo xakamaynta cudurka, gaar ahaan qaybaha gargaarka degdegga ah iyo bukaan socodka, maadaama ay yihiin qaybaha ugu horreeya ee bukaanka qaabila.
9. In la sameeyo xarumo laguso hagaajiyo dadka cudurka calaamadihiisa lagu arko, loona sameeyo xarumahaas nambarro lagu wici karo si lacag la’aan ah.
10. In la diyaariyo agab caafimaad sida; daawooyin kaalmaati ah iyo qalabyada ilaaliya qofka sida; maskaraatiga, golofyada, goonka iyo wixii la mid ah, si aan loo waayin hadii loo baahdo, maadaama ay ku yaraadeen adduunka qiimohooduna sare u kacay isticmaalkooda oo batay dartiis.
Dadwaynaha:
1. Waxa iska caadi ah in uu qofku ka welwelo inu cudurku ku dhoco, haba u badnaadaan dadka ku nool dalalka uu cudurku gaaray, waxana u sabab ah fiditaankiisa oo si xawli ah ku socda, Haddaba ma aha in uu welwelkaasi kaa mashquuliyo ilaalinta naftaada iyo ka qayb qaadashada ka hortagga iyo xakamaynta cudurka.
2. Raadi xog ku saabsan cudurka oo si joogta ah ula soco hadba wixii kasoo kordha.
3. Hadii aad joogtid wadamada uu gaaray cudurka waxa suurto gal ah in meela badan lagu istaajiyo su’aalo lagu waydiiyo ama mashiinka yar ee xumadda lagugu baadho, waa in aad u hogaansantaa amarrada lagu siiyo oo aadan ka hor iman.
4. Hadii aad joogtid dalalka uusan xanuunku gaadhin, udiyaar garow taageeridda jawaabcelinta cudurka 2019-nCoV.
5. Hadii aad calaamadaha cudurkan isku aragto, si dhaqso ah u raadso xanaano caafimaad una sheeg dhaqtarka xogtaada safar.
6. Fadlan dhaqan-geli dhammaan hababka aan kusoo sheegnay ciwaan-yaraha sare ee ka hortagga iyo xakamaynta cudurka.
W/Q: Muhubo Muse Abdirahman