Waa maxay qanjirka dhuunta ee thyroid?
Qanjirka thyroid-ka wuxuu ku yaallaa dhuunta, wuxuuna labada dhinac ka xigaa tubada hawa mareenka qeybteeda kore sida sawirkaan hoose ka muuqdo, Qanjirka wuxuu soo saaraa dheecaano hormoon ah oo jirku uusan ka maarmi karin, dheecaanadaas waxaa loo yaqaanaa “Thyroid Hormones”
Waa maxay cilladaha ku dhaco qanjirka dhuunta ee thyroid?
Cilladaha qanjirka waxaa u badan laba nooc oo kala ah in qanjirka uu howlgabo oo uu keeno cudurka aan ka hadlayno maanta ee loo yaqaanno dhacsanaanta qanjirka thryoid-ka “Hypothyroidism” iyo inay dheecaannada uu soo deynayo siyaado noqdaan oo markaasne loo yaqaano Kacsanaanta qanjirka thyroid-ka, afka english-kane lagu dhaho “Hyperthyroidism”.Waa laba cudur oo lid isku ah, calaamadahooda iyo daaweyntaba way ku kala duwan yihiin.
Waa maxay howlgabka qanjirka thyroid-ka (hypothryoidism)?
Howlgabka qnajirka toroodhka macnihiisu waa in heerka dheecaanada hormoonka ee hoos u dhacaan, haddii hormoonno jirka ku filan uu qanjirka soo saari waayo waxaa qofka uu dareemaa ama ka soo muuqdo astaamo dhowr ah oo lagu garto xanuunkaan.
Xanuunka dhacsanaanta ama howlgabka qanjirka thyroid-ka wuxuu ku badan yahay haweenka da’ dhaxaadka ah, dumarkeenna soomaalida aad ayuu ugu badan yahay, laakiin nasiib darro badanaa dhakhaatiirta si dhakhso ah kuma baraarugaan, maadaama calaamadaha la dareemo ay u ekaan karaan cudurro kale sida roomaatiisamka, wadna xanuunka, cudurka kolestaroolka, buruseelka, kaalsiyam yarida iyo cudurka loo yaqaano “Fibromyalgia”, sidaa darteed haddii aad isku aragtid astaamaha cudurkaan waa in dhakhtarka uu kaa baaraa cudurradaas oo idil si loo hubiyo midka aad ka sheeganaysid.
Xanuunkaan thyroid-ka dhacsan waa qasab in jirka uu helaa hormoonka ka maqan.
Waa maxay calaamadaha lagu garto howlgabka qanjirka thyroid-ka?Calaamadaha la dareemo waxay ku xiran tahay heerka uu marayo xanuunkaaga, hadduu xanuunka uu muddo ku hayay waxaa dareemaysaa calaamado ka duwan markii uu kugu cusub yahay.
Calaamadaha oo la dareemo waxaa ugu horreeyo:
1- Caajis iyo daal (haweenka qaarkood, daal iyo tabar darri awgeed, markay xoogaa socdaan waa in ay nastaan oo ay fariistaan!!)
2- Qabowga oo aad dhibsatid ama xilliga qaboobaha oo caajiska aad kuugu bato.
3- Calool-fadhi
4- Miisaankaaga oo kordho adigoo aanan cunin cunto badan
5- Wajiga oo ku bararo ama aad dareento inuu buuxsan yahay ama daamankaaga ay buufsan yihiin.
6- Codka oo xabeeb yeesho khaasatan subaxyadii hore (dadkaan waxay isku arkaan dhuunta oo bararan)
7- Murqo xanuun iyo tabardarri aadan si sahlan fadhiga uga istaagi karin illaa inaad wax qabsato ama aad afarta ku kacdo mooyee.
8- Kalagoysyo xanuun ama barar
9- Caadada oo kaa wareerto ama siyaado noqoto socodkeeda.
10- Tinta oo khafiifto ama inay kaa go’go’ayso aad dareento11- Maqaarka jirkaaga oo boor boor yeesho ama qallayl noqdo
12- Hilmaan aadan horay u qabi jirin iyo caajis maskaxda ah.
13- Dilan soo noqnoqdo ama haweenta oo uur yeelan wayso wuu keenaa xanuunkaan.
13- Qanjirka oo soo kuusto ama bararo, qofkane uu dareemo in dhuunta laga ceejinayo. (xanuun-ka howlgabka qanjirka qasab uma ahan in qanjirka uu bararo). dadka badankood xanuunkaan ayay qabaan iyagoo dhuunta wax barar ah ku lahayn.
Haddii aan la daaweyn, calaamadahaan way ka sii dari karaan oo qofka way ku xumaadaan oo waxaa dhici karto inay heer kale isku badasho oo cadaadiska dhiigaaga hoos u dhaco, neefsashada ku dhibto, heerkulka jirkaaga uu dhaco oo xitaa ay dhici karto in aad coma “suuxdin” gashid. laakiin maahan arrin badanaa la arko.
Caruurta wuu ku dhici karaa xanuunkaan calaamadaha laga dareemane way ka duwan yihiin kuwa aan kor ku soo xusay waxaa ka mid ah: indhaha iyo maqaarka oo jaallo noqdo sida cagaarshowga oo kale, sixasho markuu naaska nuugayo, carab weyn oo afka dibadiisa u soo baxsan iyo wajiga oo bararan, markuu xanuunka ku sii daba dheeraado waxaa caruurta lagu arkaa saxaro adeyg, murqaha oo daciif ah, dhaqdhaqaaq la’aan iyo hurdo siyaado ah.Haddii si dhakhso ah looga gaari waayo, xanuunkaan wuxuu caruurta ku ridaa doqonnimo oo korriinka maskaxdooda ayuu wax u dhimaa.
Badanaa hooyooyinka qabo xanuunka kacsanaanta qanjirka thyroid-ka ee qaata daawooyin lagu dajiyo hormoonnada haddii ay uur yeeshaan iyagoo daawada qaadanayo, waxay caruurtood halis ugu jiraan in qanjirka uu howlgabo sababtuna waa daawada hoyadood ay qaadato.
Maxaa keeno howlgabka qanjirka thyroid-ka?
Howlgabka qanjirka thyroidka waxaa keena:
1- Caabuq ku dhaca qanjirka oo dila unugyadii soo saari lahaa dheecaannada hormoonka
2- In qof qabay kacsanaan qanjirka thyroidka ah la siiyay daawo dajinaysa oo ku badan taasoo keentay in qanjirka uu howlgabo
3- In qofka uu ku yaryahay jirkiisa maadada hormoonka laga sameeyo loona yaqaano “Iodine”.
4- Qanjir kale oo maskaxda ku yaallo loona yaqaanno “Pituitary” shaqadiisane ay ka mid tahay in uu kontoroolo amarne siiyo qanjirkaan thyroidka oo cilladaysan.
5- In qanjirka gabi ahaantiisba qofka laga saaray xanuun ama buro ka soo baxday awgeed.
5- Daawooyinka qaar.
6- Uurka, hooyooyinka xilliga uurka ay ku jiraan qanjirka shaqadiisa way yaraataa.
7- Midda ugu dambayso waxay tahay in ay ilmaha ku dhalan karaan howlgabka qanjirkaa haddii hooyada ay ku yarayd jirkeeda maada “Iodine” ama cunugaba uusan lahayn qanjirka ama qanjirka uu ka cillaydaysan xag eebbe.
Sidee lagu ogaan karaa in xanuunkaan ku hayo?
Waxaa lagu ogaan karaa in dhiigga laga baaro iyadoo la fiirinayo heerka ay joogaan dheecaannada qanjirka thyroid-ka inay dhacsan yihiin, inay kacsan yihiin iyo inay dabiici yihiin intaba. baaritaankaas waxaa loo yaqaanaa “Thyroid Function Test”, waxaa lagu eegaa sadax hormoon oo kala TSH, T4 iyo T3. wayna isla wada shaqeeyaan, waa in dhakhtarku aqoon u leeyahay akhrinta jawaabtaan si loo ogaado xanuunkaaga noociisa iyo sida loo daaweynaayo.
Haddii aan qabo howlgab qanjirka thyroid-ka, daawo ma leeyahay?Daawadu waa mid fudud oo ah in la qaato kaniini galayo badalka hormoonka maqan, daawadaas oo loo yaqaanno “thyroxine” oo hal kaniini la qaato maalin kasto si joogto ah inta aad nooshahay, kaniinigaan waa hormoonkii jirkaaga u baahnaa ee ma ahan sida dadka qaar aaminsan yihiin daawo qanjirka bogsiinayso.
Daawadaan safiican ayay wax u tartaa calaamadaha oo idilne way qarsoomaan, Waa muhiim in aad dhakhtar la xiriirtid inta aa daawada qaadanaysid si loo hubiyo cabirka kaniiniga lagu siiyay inuu kugu filan yahay. waa laga yaabaa in aad ka maarantid daawada oo qanjirka dib u shaqo bilaabo, in aad weligaa wadidne way dhici kartaa, in daawada laguu kordhiyo iyadane waa suuragal ama in sideeda ku wad lagu yiraahdo. xanuunka markuu kugu cusub yahay 3-dii bil mar in dhakhtarka aad is aragtaan ayaa haboon, kadibne 6-dii bilba mar. haddii aad uur yeelatid waa qasab in dhakhtarkaaga aad la xiriirtid sababtoo ah badanaa daawada waxbaa laga badalaa.
Illaa iyo hadda ma jiro daawo dabiici ah oo la hubo in kaniiniga badalkiisa uu geli karo, way jiraan cunnooyinka qaar oo caawin kara shaqada qanjirka markuu qofak caafimaad qabo, laakiin markuu qanjirka howlgabo waa in qofka uu daawo qaataa.
Talooyin:
- Ku dadaal in aad daawadaada joogtaysid.
- Haddii aad isku aragto calaamadihii oo dib kugu soo laabtay adoo daawada qaadanaysid, dhakhtarkaa si dhakhso ah u la xiriir
- Haddii aad isku aragto dhidid badan ama wadna garaac iyo gacmaha oo ku jaraynayo, ku laabo dhakhtarkaaga, waxaa dhici karto in cabbirka daawada ay kugu badatay.
- Haddii aad doonaysid in aad uur qaadid la tasho dhakhtarkaaga.
© Xigasho: SomaliDoc