Sida madax badan oo uga horreysay xilka kudhacday una horseedday in waqtigoodu dhammaado iyaga oo maadeys iyo maaweelo kujira ayaa raisalwasaare Xasan Cali Kheyre waxa qar katuuray guulwadayaal meeshii uu tagaba sacab iyo sawaxan isugu dara sax iyo qaladba, hadalkiisana kusoo horeeya hal-hayska marin habaabinta madaxda ee sax weeye! sax weeye! saxweeye.
Isaga oo malaha kajawaabayey hadalkii madaxda dowlad-goboleedyada ee kusaabsanaa nabadgelyada Muqdisho ayuu sheegay in aanay jirin wax nabadgelyo xumo ah oo kajira caasimadda Muqdisho, waxa uu sheegay in uusan soo dhoweyneyn in layiraahdo magaalo madaxda dalku nabad ma aha, isaga oo gacanta bidix ruxaya hadalkana carrabka kudhejinaya ayuu yiri: “Ma garaneyno cidda loogu daneynayo in layiraahdo caasimaddu amaan ma aha”
Hadalkaas Raisalwasaaruhu waxa uu helay sacabka iyo mashxaraddda guulwadayaasha guul-darrada horseeda, oo si weyn uga qaybgalay mashruuca uu raisalwasaaruhu ugu magacdaray is xilqaan.
Waaqica iyo xaqiiqada dhulka taal ayaa hadalka wasiirka koowaad beenineysa, waxaana taas xoojinaya welwelka ay muujiyeen xubno kamid ah golaha shacabka oo kulmay iyaga oo ammaankooda u cabsanaya, kaddib weerarka lagu qaaday Xildhibaan Maxamed Mursal Barow 15-Sep-2018.
Xildhibaano badan oo hadal kajeediyey golaha shacabka ayaa muujiyey welwelka ay kaqabaan maridda jidadka iyo in ay aqoonsigooda xildhibaanimo adeegsadaan, taasina waxa ay toosh ku shideysaa sida xukuumaddu aanay ugu baraarugsanayn walaaca kajira nabadgelyada ee gaaray heer ay xildhibaano leh illaalo iyo gaadiid uga baqaan ciidanka la tacaalaya nabadgelyada caasimadda, waxaa kamid ah xildhibaan Caasho Koos Maxamuud oo ah xubin katirsan golaha shacabka.
Waxa ay qaarkood gaareen in ay u soo jeediyaan raisalwasaaraha in uu iscasilo oo xilka isaga tago mar haddii ay taagan tahay sida ay xildhibaanadu kudoodeen in uu muddo kudhow 2 sano uu Raisalwasaare Kheyre kadhammmaan waayey hanjabaadda maamul-goboleedyada, waxa sidaas qaba oo kudooday xildhibaan Maxamed Xasan Idiriis.
Xillibaan Ganeey “Rw Xasan Cali Kheyre waa in uu is casilaa sababtoo ah wuxuu ku fashilmay xilkii loo dhiibtay”
Marka welwelka golaha shacabka oo lagu daray xaqiiqada taal Xamar ee nabadgelyada kusaabsan lana garabdhigo hadalka Raisalwasaare Kheyre waxa soo muuqaneysa sida uu raisalwasaaruhu dadweynaha ugu sheegayo hadallo maaweelo iyo maad u badan oo aan katurjumeyn xaqiiqada taagan.
2-September-2018 ayaa weerar kadhacay xarunta degmada Howlwadaag, dhimashada iyo dhaawaca waxaa u dheeraa burburka xaruntii degmada, hal todobaad kaddibna 10-September-2018 waxa weerar kale oo u eg kii agu qaaday degmada howlwadaag laga fuliyey degmada Hodon, dhimasho iyo dhaawac iyo burburka dhismayaashii xarunta degmda ayuu kategey.
Haddaba marka aan xaqiiqadaas iyo hadalka raisalwasaaraha isgarabdhigno ma waxa jira sabab loo sacbiyo, loo mashxarado ama loo alalaaso?
Ismoogeysiinta xaaladda jirta!
Marka xannuun badan jiro ama meel kamid ah jirka lagu sameynayo qalliin waxa la adeegsadaa daawo lagu halmaansiiyo qofka xannuunka iyo laxowga, taasina waxa ay leedahay muddo kooban oo loogu talagalay in ay jirka kujirto, marka ay daroogadaasi kabaxdo jirka waxa kusoo baxa qofka xannuunkii oo markan u baahan in aan la daroogeyn ee uu si caadi ah isaga baxo kaddib marka ay raysashadu billaabato.
Hadalka raisalwasaaruhu waxa uu dadweynaha kunool caasimadda ka weecinayaa xaqiiqada taal magaalada iyo dhibka jira oo u baahan in aan laga leexan ee xal iyo la tacaalid hdab ah loo helo, sidaas awgeed hadalada sarajoog katuurka ah ee la iska jeediyo iyada oo loo qaato in dadka dhegeysanayaa ay doqmo yihiin ama ay qaarad kale ku nool yihiin waxa ay sababi doonaan in xalku fogaado.
Qaar kamid ah Weerarada dhacay inta ay jirto xukuumadda Raisalwasaare Kheyre!
TT | Taariikhda | Weerarka | Dhimasho | Dhaawac |
1. | 14-june-2017 | Pizza House | 22 | M/H |
2. | 20-june-2017 | Degmada Wadajir | 11 | 22 |
3. | 22-june-2017 | Saldhigga waabari | 5 | M/H |
4. | 14-Oct -2017 | Isgoyska Zope | 656 | 200+ |
5. | 29-Oct-2017 | Naasahablood 2 | 29 | – |
6. | 7-july-2018 | Otto otto | 15 | 21 |
7. | 14-july-2018 | SYL | 6 | – |
8. | 2-Sep-2018 | Howlwadaag | 7 | |
9. | 10-Sep-2018 | Hodon | 10 | |
10. | Isugeyn: | 761 | 243; inta aan helay |
Ku ciyaaradda caqliga Bulshada