Waa maxay dabciga qofka af-gaaban?

Waxaan qoraalkaan kaga hadli doonaa dabeecadda loo yaqaanno “af-gaabnimada”, afka qalaadne lagu dhaho “Introversion”, ma ahan cudur ama cillad u baahan in la daaweeyo, waa dabeecad ka mid ah dabeecadaha ilaahay ku abuuray bini’aadanka, laakiin dad badan aysan aqoon u lahayn fahmidda iyo la dhaqanka dadka leh dabeecadaan sidaa darteed waxaan si kooban uga hadli doonaa sida aad ku garan lahayd dabciyada dadkaan iyo qaabka ugu haboon ee aad ula dhaqmi lahayd iyo faa’idada ku jirto la saaxiibkooda ama nolol la wadaagistooda.

Waa maxay dabciga qofka af-gaaban?
Si loo fahmo dabciyada dadka kala duwan waxaa muhiim in ah la fahmo qaabka ay u fakaraan dadkaas ama maskaxdooda u shaqeyso, haddii aad fahantid qaabka ay u fakaraan, dabciyadooda waad fahmi kartaa. dadkaan loo yaqaano “introverts”, markay wax la kulmaan isla markiiba maskaxda go’aan ma qaadato, waa in waxaas ay maqleen ama ay arkeen la marsiiyo qeybta xasuusta maskaxda, kadibne la marsiiyo qeybta qorsheynta maskaxda, kadib ayuu qofka fal-celiyaa. baynamaa dadka lidkooda ah aysan intaas marin oo wixii la waydiiyo ama ay la kulmaan ay isla markiiba ka fal-celiyaan. sidaa darteed farqiga labadaan qof u dhaxeeyo waxaad ka fahmi kartaa jawaabahooda. qofka afka-gaaban ma hadal badno, wuuna ka fiirsadaa intuusan hadlin, haday xasuustiisa soo qabato wax la xiriira hadalka lagu yiri ama wuxuu arkay, wuxuu fal-celintiisa ku saleeyaa xasuustaas, kadibne qaabka ugu haboon oo isagu isleeyahay uga jawaab ayay maskaxda uga jawaabtaa. sidaa darteed mar walba jawaabta uu bixinayo isku mid maahan. waana sababta ay u neceb yihiin in su’aal lagu kadiyo iyo in la ogaado qaabka ay u fakarayaan, taleefannada horay ugama qabtaan illaa inay ogyihiin sababta aad u soo wacayso mooyee, waxayne ka doorbidaan inay qoraal kugula soo xiriiraan maadaama ay helayaan waqti ay ku fakari karaan. haddii aadan ka war haynin dabcigooda waad dhibsanaysaa iyaguna way ku dhibsan karaan inkastoo markaad talo ka heshid aad la yaabaysid xikmada ku dheehan talooyinkooda illeen waa wax maanta dhan laga soo fakarayay oo meelo badan laga eegay.
Waxaa intaa sii dheer in fakarkaas iyo falaanqayntaas ay u baahan tahay meel aan buuq lahayn oo dagan, waana sababta keentay inay ka helaan kalinnimada, aadne u neceb yihiin buuqa iyo fagaaraha bulshadu isugu timaado, hadii lagu qasbane inay tagaan xafladaha waxay la soo laabtaan diiqad iyo madax xanuun.
Waxayna xiiseeyaan howlaha badanaa la qabto markii kali layahay sida qorista, far-shaxanka, naqshad dajinta, injineernimada, wax-allifidda IWM, sidaa awgeed dadka howlahaas ku takhassusay badankood waa dad dabcigaan af-gaabnimada leh, sababtoo ah markay kali yihiin ayuu wax soo saarkoodu badan yahay, markay shaqo ku jirin waxay xiiseeyaan wax akhriska, wax daawashada, isticmaalka computer-ka, xiriirka internetka, xoolo raaca iyo kalluumaysiga.

Sidee loola dhaqmaa dadka dabcigaan leh?
Si aad u ogaatid qaabka ugu haboon ee dadkaan kula dhaqmi kartid, waa inaad iska ilaalisaa khaladaadka badanaa bulshadu ka aaminsan tahay sida:

  • In aad si dhakhso isku barataan oo kuu furfurmo oo kalsooni timaado waqti ayay qaadataa, laakiin markaad kalsooni ka hesho dadka dabcigaan leh, safiican ayaa la isku fahmaa, wayna kuu hagar baxaan, laakiin haddii aad kalsoonidaas ku ciyaartid waxaa laga yaabaa in xiriirka kuu jaraan oo aadan dib dambo kuula hadlin, wayna ku adag tahay in mar kale ay ku aaminaan.
  • Waxaa kaloo dabcigaa lagu qaldaa xishoodka, laakiin kalinnimada ayay xiiseeyaan kaliya, wayna ka fogaadaan meelaha bulshadu ku badantahay, laakiin qofka xishoodka badan wuu ka cabsadaa bulshada iyo isu-soo-baxa, meel fagaare ahne kama hadli karo, laakiin dadka afka-gaaban way ka hadli karaan meel la wada joogo laakiin waa inay ku soo tala galeen ooo ay ka soo baaraandageen, hadalkooduna ma badno, in hadalka ka dibne su’aalo la waydiiyo ma jeclo.
  • Waxaa kaloo dabcigaan lagu qaldaa niyad jabka iyo murugada, dadka afka-gaaban ma ahan dad niyad jabsan, inkastoo ay u muuqdaan dad xanaaqsan maadaama aysan hadal badnayn, fara-ka-ciyaarka iyo faduulintane ay aad u neceb yihiin laakiin haddii aad isku kalsoon tihiin way kaa qoslisiin karaan, wayna shactireeyaan.
  • Waxaa kaloo dabcigaan lagu qaldaa isla-waynida, sababtoo ah maadaama ay neceb yihiin hadalka badan, booqoshada kadiska ah, ay xiiseeyaan la sheekaysiga dadka waawayn iyo ka baaqashada martiqaadka in loo arko inay kibir badan yihiin oo ay dadka iskala wayn yihiin taasina waa qalad badanaa lagu dhaco.
  • Waxaa kaloo dadkaan loo maleeyaa inay fahmad yaryihiin markay shaqo ama waxbarasho ku cusub yihiin, sababtuna waa culeys dhinaca la qabsashada ah, laakiin markay la qabsadaan aad ayay ugu fiican yihiin shaqooyinkooda, waana dad si dhakhso ah loo dallacsiiyo, dadka ay u shaqeeyaan way ka helaan dadka noocaan ah maadaama wax shaqada ka baxsan aysan iskugu imaanayn.
  • Waxaa kaloo dadkaan lagu qaldaa inay yihiin dad maahsan, maadaama ay yihiin dad ku dheereeya fakarka iyo khayaalka, badanaa gees ayay uga baxaan dadka ay ku dhex jiraan, tusaale ahaan hadday gaari soo raacaan ma jeclo inay kuraasta dhexe fariistaan, dhinacyada ayay jecel yihiin weliba hadday daaqad ku aadan tahay ama kursiga hore ee shirka.
  • Waxaa kaloo dadkaan loo maleeyaa inay caajis badan yihiin, sababtoo ah markay dad la joogaan ma lahan firfircooni muuqdo, oo maskaxda ayay aad uga shaqaysiiyaan.
  • Waxaa kaloo dadkaan lagu qaldaa inay yihiin dad aan jeclayn mutadawacnimada ama hogaaminta, taasina waa khalad kale, sababtoo ah ma jecla inay isa soo sharraxaan ama soo muuqdaan, lagama yaabo haddii su’aal la waydiiyo inay dhakhso farta taagaan illaa in iyaga farta lagu fiiqo mooyee, haddii howl u baahan hogaamin loo xilsaaro, way ku fiican yihiin inay dadka isku wadaan, go’aamadoodane aysan badanaa ku soo laaban.
  • Waxaa kaloo dadkaan lagu tilmaamaa dulqaad la’aan, sababtoo ah waxay neceb yihiin wax sugidda, waxayna jacel yihiin wax walba waqtigii ay filayeen inay ku helaan, tusaale: haddii aad la balantid oo aad ku soo daahdid aad ayay u dhibsadaan. laakiin howlaha ay hayaan iyo wixii dhibaato ah ee soo wajaha way u dulqaadan karaan.
  • Waxaa kaloo dadkaan lagu tilmaamaa xag-jirnimo, qallafsanaan iyo ad-adayg, sababtoo ah ma jecla dadkaan inay xafladaha tagaan, sawaxanka iyo muusikada, balwadda, fadhi-ku-dirirka, siyaasadda iyo ka qeyb galkeeda, sidaa darteed waxaa loogu yeeraa magacyo ay ka mid yihiin “suufi” IWM.

Faa’idada la saaxiibka dadka dabcigaan leh:

  • Waxaad ka heli kartaa talooyin wax ku ool ah khaasatan markaad rabtid in aad qaartid go’aan kugu adag, sababtoo ah waa dad ku dheereeyo falaanqaynta maadaama wax walba ay sameynayaan ay jecel yihiin inay ka fakaraan ayne sii qorsheeyaan iyagoo si dhakhso u dareemi karo waxyaabo badanaa aan kuu muuqan sida dhaqanka qofka iyo xaaladda aad ku dhaqaaqi rabtid.
  • Siday u neceb yihiin in loogu xad gudbo, lagama yaabo inay ku dulmiyaan ama wajiga kuu badalaan ama dabci aadan ku aqoon inay kuula soo baxaan.
  • Haddii aad kalsooni isku qabtaan, waa dad aan sirta faafin maadaama ay iyagu aysan jeclayn in sirtoodu la ogaado, xitaa qorshahooda mustaqbalka in laga hordhaco oo la ogaado ma jeclo.
  • Waa dad waqti kuu heli karo, haday shaqo aadaan ama iskuul aadan markay howshoodu soo dhameystaan lagama yaabo in meel aan guriga ahayn ku leexdaan illaa inay dan qasab ah ku soo baxdo mooyee.
  • Waa dad aan buuqa jeclayn iyo is-qabqabsiga, waxayna ka doorbidaan inay ka aamusaan. haddii adigane aad sidaa tahay waad isdabci keenaysaan.
  • Qiimo uma yeelaan waxa dadka kale ay ka aaminsan yihiin iyaguna kama helaan falaanqeynta dabciyada dadka kale, muuqaalka iyo labiska dadka kale, waxaa muhiim u ah siday iyagu isku arkaan ama ku faraxsan yihiin, tusaale ahaan: dharka ay xiranayaan kama fiiriyaan dhaldhalaalka iyo soo jiidashada dadka kale waxay ka fiiriyaan inay iyagu ku faraxsan yihiin, raaxane ku dareemayaan.
  • Haddii aad isku dhacdaan lagama yaabo inuu kula tirsado, haddii ay dood idin dhex marto oo aad kala ra’yi duwanaataan lagama yaabo inuu ku caayo ama kugu xadgudbo.
  • Waa dad jecel inay ku dhagaystaan, wayna xiiseeyaan in aad u sheekeysid, haddii dhibaato ay ku haysato waa dad ay haboon tahay in aad la sheekaysatid sababtoo ah way ku dhagaysanayaan, talane waad ka helaysaa, hadalkaagane badanaa lama wadaagi doonaan qof kale.
  • Waa dad isku taxallujiya inay isku filnaadaan, ma jeclo inay culeys saaraan dadka kale, hadday xanuunsadaan ma sheegsheegaan xanuunkooda, waxay aaminsan yihiin inay wax kasta xallisan karaan, marka haddii aad tahay qof neceb calaacalka iyo wax waydiinta, lagama yaabo dadka dabeecadahaan leh in aad isku dhacdaan.
  • Waa dad saaxiibadood iyagu doorto ee aan la dooran, aadne u jecel inay helaan dad fahansan dabcigooda
  • Waa dad si sahlan looga farxin karo, uma baahnid in aad is dhibtid si aad uga farxisid, uma baahnid in aad maqaayad geysid ama hotel, waxaa ku filan inaad usoo hadiyaysid buug xiiso leh ama meel cidla ah inaad wada fadhiisataan oo aad sheekaysatiin.
  • Waa dad neceb isku dirka, beenta, xanta iyo inay dadka u kala war qaadaan, sidaa darteed inay ku xantaan lagama yaabo illaa inuu leeyahay saaxiib khaas ah oo isagoo kale mooyee, waxyaabaha ugu muhiimsan ay saaxiibka ku doortaan waa inuusan beenlow ahayn ama isdabaris aqoonin, haddii ay intaas kugu arkaan waxay dareemayaan in aanan lagugu kalsoonaan karin, go’aan hoosane kaa qaataan iyagoo aan kuu sheegin.
  • Saas ay tahayne waxay jecel yihiin inay nolosha la wadaagaan qof furfuran oo bulsho ah, laakiin dabcigooda fahmi karo (hadday labadaas qof is helaan way dhib badan tahay in la kala dhex galo), dadkuna way la yaabaan oo waxay yiraahdaan “maxaa labadaan isku keenay?” “Sideese isku fahmeen?”.

Qoraalkaan wuxuu khuseeyaa dadka isku arkay dabeecadahaan oo idil, haddii aad isku aragtay qeyb ka mid ah dabeecadaha, waxaad galaysaa kooxda loo yaqaano “ambiverts”, haddii aad leedahay dabeecadahaan lidkooda ama qoraalkaan aad dhibsatay waxaad galaysaa kooxda “Extroverts”. maalin kale ayaan idinka hadli doonaa haduu Alle idmo.

Gaba-gabo:
Bin’aadanku isku dabci maahan, Alle ayaane sidaan u kala duway laakiin waxaa muhiim ah in aad aqoon u leedahay dabcigaaga iyo dabciga asxaabtaada iyo sida aad ula dhaqmi lahayd adigoo aan la imaan wax xadgudb ah.
Horay waan uga soo hadlay dabciyo kala duwan, kuwa kalane waan idiin soo bandhigi doonaa, hadafka qoraalladaan waa in bulshadu isfahanto, qof walbane waxtarkiisa iyo waxgalkiisa la garawsado oo aan loo arkin inay wax ka qaldan yihiin qofkii aad isku dabci noqon waysaan.
Waa laga yaabaa dabeecadaha halkaan ku xusan in dadka qaar ay dhibsadaan, laakiin ogow adigane dabci kale ayaad leedahay oo in aad isfahantid, laguna fahmo ayaad u baahan tahay, hadafku waa wada noolaansho ixtiraam ku dhisan.

Xuquuqda Qoraalkan waxaaa leh:

Somali Medical Forums