12 APRIL MAALINTA CIIDANKA XOOGGA DALKA

Waxaa la yiri: “Sabool, xoolihiisu waxay u dhammaadaan, hantiile is ka gad!” is xushmee, balse, ha is xoolatirin, saa boolxufto iyo xifaaltan aadan geli Karin, lagu ma xoor beelee. Xigmad ma ahan, xusaska aan xisaabta lahayn, ee sida joogtada ah loo qabto, haddana, mid walbaa, uu qarash badan iyo ku baxo lacago aan tiro yarayn.

Hadda, habmalyada, xuska, xusuusta iyo weynaynta maalinta 12.04. ma naga mudan tahay, in aan qarash ku bixinno iyo lacago badan maamuuskeeda, anaga oo og baahida, diifta, darxumada iyo dayaca haysta CXD?

Yaa mudan, in la maamuuso; ma maalinta, mise, mudanayaasha lab iyo dheddig leh, ee maalin walba, naftooda qatar u geliya, una hura, in ay difaacaan, dalka iyo dadka? Xasuusta, heestii: “Waxaan ahay naftii hure!”

Ciidan aan mushaar la siin, markii horena gunno yar, gambo iyo beeyteen la siin jiray, sidee haddana, looga dalbadaaa, in xaflad lacago waalli ah ay ku baxayso, in la yiraa; kaalay, nooga gaardi, aan kugu xarragoonnee?.

Inta musuqday lacagihii loogu talagalay, inta is daba marisay miisaaniyaddii loo qoondeeyey, ee ewelba yareed, miyaad maantana rabtaa, in aad ku indha doogsato jaantooda iyo jugtooda?.

Markaan xasuusto, anoonba arag, soona gaarin codkooda baqdinta leh, wadnaha ayaa i gariira. Cabsi iga ma ahan, ee cod col iiga cabsado ayuu ahaa, anaase is cunay, isna cunsiiyey!

Ma mudan tahay maalmaha caynkan, ee sida badan iyo ba’an loo xuso, in aan lacago ku bixinno xuskooda iyo xasuustooda? Miyeysan ku filnayn, af ka sheegin, hadal ka soo saarid, is xasuusin iyo is dareensiin uun?.

Miyeysan ku filnayn iskuullo xiridda arday guri ku dhaafidda, shaqaalo fasixidda, bajiino siinta iyo ka dhigidda maalmo nasiino? Ujeedku saw ma ahayn, ogeysiinta, ogaalsiinta iyo aragtihirgelinta, ee dhallinta koraysa, da’ dhexeedaka iyo intii soo gaartay ama u soo joogtaba, in la wada garwosanaado? Hadday saa tahay, saw siyaabaha sare ku ma filla, maxaa lacago loo burburniyaa, xisaab la’aan, iyada oo la is ka dhigayo, in la qaranka loo adeegayo?.

Ma garan karo, sida ay nooga gadanto, ee aan uga wada raalli nahay, haddii aannaanba u wada riyaaqsanayn, in ciidanka oo aan mushaar qaadan ama qaata mushaar quureed, waxa aannaan isu horkeenayn, in aan yaraynno xafladahan badan, si aan baahidiisa ugu daboolno, dhaqaalaha nooga baaqda dhigidda xafldaha?

Waan ogahay, wey naga xoog badan tahay, oo waxaan nahay bulsho, aan wax tabcan, waxna soo saaran, haddana, jecel, in ay qarashgarayso waxa gacanteeda ku jira, ee aysan lahayn, abuuran, samaysanna, marka, saw ma habboona, in dabcigaa xun, dhaqankaa liita iyo aragtidaa dilan, ee dunida inay naga reebtay ka sokow, nagaba dhigtay BULSHADII TUUGSIGA iyo DAWERSIGA, heer madal walba na looga maahdsado, in aan badalno?!

Ma dhici kartaa, in lacagaha qaar, ee ku tilmaaman, dib u heshiisiinta afka baarkiisa ah, shir qarameedyada qurunka ah, fadhiyada madasha madax ku sheegga ee muranka iyo marooqsiga u samaysay, iwm, in la yareeyo, si dhaqaalaha loogu leexiyo ciidanka, oo ah lafdhabarka bulshada iyo tiir dhexeedka dawladnimada?

Sidee baannaan isaga waraysan askarta maalin walba qaraxa, dilgaadmada iyo ku dhaawacanta is rasaasaynta dhexdooda ah, ee isbtaallada ku ildaran, in aan u furno “SANDUUQ DHAQAALE ARUURIN” oo bulshadu ka qaybqaadato iyo qof, qolo iyo qaran walba, oo gacan ka gaysanaya, sidii loo daryeeli lahaa ubaxaa xabbadda salaaratay?.

Maalmahan xusaska ah waxaa la mida; caleemo saarrada, carun shubyada iyo cir bixin siyaasadeedyada loo dhigo ama loo qabto madaxda dhaqanka iyo siyaasadda, sidoo kale, xafladaha soo dhaweynta, sii dhaweynta, xilqabashada iyo xilwareejinta, oo ay dhextaal u tahay, isa sharrixidda, oo dhaqaalaha ugu badan, ee ku baxa kulammadaa uu yahay dhaqaale guud, ee qasnad dawlado laga baxshay ama magac beel lagu qaaraamay!

Ma hilmaamin tan ugu daran, ee sida daacuunka noogu dhexfaaftay, ee ah; xafladaha maamul beeleedyada, ee sanad walba shanta qaaraad iyo maamul walba meesha uu ka dhisan yahay laga dhigo, ee ay dhextaalna u tahay, xafladaha caleemo saarka iyo xilalwareejinta ee dhawrkii sanaba mar dhaca! War lacagaa dadkiinna baahan, ubadkiinna aqoonta raba iyo waayeelkiinna daryeelkooda u wareejiya, iyaga ayaa aayaha dambe iyo idin anfacaya ayaamaha dhawe. Faan aan faca cusub waxtarayn, firkii hore wax ku dheefayn, faracna wax u qaban doonin, foolka ha is kaga xumaynnina, hana is ku fara murxinnina!

Marka anigu waxaan jeclaan lahaa, inaan marnaba xaflado loo dhigin, oo aan lacag badan lagu qasaarin tumasho iyo cunto cunoow, maxaa yeelay, inta naga baahan ayaa u baahan lacagtaa.

Dad baa doomo dul seexda, dad baa bannaanka jiifa, oo aan hoy iyo hu’ midna haysan, marka taa ma keenayso, in xafalado oo dhaweyn iyo dabbaaldegyo joogto ah lagy jiro, uuna qarash badan ku boxo, oo aan wax loogu qabanayn dadka abaaruhu ku dhufteen, kaba muhimsane, inta aan haysan cabitaan iyo cunto.

Ma idin la tahay, in askariga dhinta, ee qoys, ubad, talow iyo ka tagay walaalo, aan dib loo fiirin dadkii iyo xigtadii uu ka tagay, ee xabaal iyo god kaliya loogu roonaadayey? Mar i dhaaf, ewel baad dhuunta ii gashee! Iga qari, oo qabriga gee!

Inta musuqo noo yahay DHAQAN, qabiilku noo yahay DIIN, xadiddo noo tahay XIL, dayucu noo yahay DADNIMO, sedbursigu noo yahay GARASHO, waxay i la tahay, in aan hormar la gaaro, hormuud la noqdo iyo hogaajin dhacdaa ay tahay; hayhaata iyo ha sugin!

Magag!

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com