Ra’isal wasaare Cali Khalif Galeydh Oo Geeriyooday (Tariikh-diisa)

Magaalada Jigjiga, ee xarunta u ah ismaamulka Soomaalida Itoobiya, waxaa maanta ku geeriyooday Cali Khaliif Galaydh – oo ahaa siyaasi caan ah – xilal kala duwanna kasoo qabtay Soomaaliya.

Waxyaabaha ugu waaweyn ee Cali Khaliif lagu xasuusto waxaa ka mid ah inuu Ra’iisul Wasaare ka noqday dowladdii ku meel gaadhka ahayd ee lagu soo dhisay magaalada Carta ee dalka Jabuuti, taasoo uu madaxweyne ka ahaa Cabdiqaasim Salaad Xasan. 

Marxuumka oo sida lasoo tabiyay labo maalmood ku xanuunsanaa Jigjiga wuxuu ku geeriyooday da’da 78. 

Waayihii Cali Khaliif Galaydh

Barfasoor Galaydh wuxuu ku dhashay magaalada Laas Caanood ee gobolka Sool, 15-kii bishii October ee sanadkii 1941-kii, halkaasoo uu ku soo qaaday qeybihii hore ee noloshiisa dhallaannimo iyo waxbarashadiisa aasaasiga ah.

Waxbarashadiisii dugsiga sare wuxuu degmada Sheekh ku dhammeystay sanadkii 1962-kii. Heerka aqoonta maaddiga ah – oo uu qeybo ka mid ah kusoo qaatay jaamacado dibadda ku yaalla – wuxuu ka gaadhay ilaa darajada PhD, wuxuuna bare ka noqday Soomaaliya.

Heerkiisii Jaamacadeed

1963-kii, Galaydh wuxuu helay deeq waxbarasho oo ay siisay jaamacadda Boston ee dalka Mareykanka. Wuxuu Shahaadada heerka koowaad ee maaddada Seyniska Siyaasadda uga qalin jabiyay sanadkii 1965-kii.

1967-kii ilaa 1969-kii wuxuu shahaadada heerka labaad ku qaatay Jaamacadda Syracuse ee magaalada New York, Mareykanka. 

Shahaadadaas wuxuu diiradda ku saaray cilmiga maamulka dadweynaha, wuxuuna kasoo baxay dhammaan shuruudihii looga baahnaa inuu barfasoor ku noqdo.

Buuggii uu darajadiisa aqooneed ku difaacanayay wuxuu qoray 1971-kii iyo 1972-kii. 

Intii u dhaxeysay 1982-kii ilaa 1987-kii wuxuu waxbarasho ka qaadanayay macadka Weatherhead ee lagu barto aqoonta Arrimaha dibadda iyo Jaamacadda Harvard ee dalka Mareykanka. 

Doorkiisii dhinaca maamulka iyo siyaasadda

Barfasoor Galaydh xarumaha uu kasoo howl galay waxaa ka mid ah macadkii Somali Institute of Public Adminstration (SIPA). Macdkan oo uu markii hore ka ahaa cilmi baadhe ayuu ugu dambeyn 1973-kii ka qabtay xilka agaasimaha guud.

Intii u dhaxeysay 1974-kii ilaa 1976-kii wuxuu agaasime ka ahaa mashruucii Sokorta ee Jowhar (SNAI).

1976-kii ilaa 1982-kii wuxuu maamulayay mashruucii sokorta ee Juba (JSP).

Xilalkii Siyaasadeed 

Cali Khaliif wuxuu door weyn kasoo ciyaaray siyaasadda Soomaaliya, tobannaankii sano ee lasoo dhaafay. 

Dhowr sano kaddib markii ay Soomaaliya xorriyadda qaadatay ayuu si weyn uga soo dhex muuqday saaxada siyaasadda.

1980-kii ilaa 1982-kii wuxuu soo ahaa Wasiirkii Warshadaha ee dowladdii kacaanka, oo uu madaxweyne ka ahaa – Alle ha u naxariistee -Maxamed Siyaad Barre. 

Ka hor inta aan loo magacaabin xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, sanadkii 2000, wuxuu noqday xildhibaan ka tirsan baarlamaankii lagu yagleelay shirkii Carta.

13 bilood markii ay dhisneyd xukuumaddii uu Ra’iisul Wasaaraha ka ahaa, xildhibaannada baarlamaanka ee xilligaas ayaa kala noqday codka kalsoonida.

20-kii bishii August ee sanadkii 2012-kii, Cali Khaliif wuxuu ka mid ahaa xildhibaannadii loo doortay baarlamaanka federaalka Soomaaliya, oo uu ilaa hadda ka mid ahaa ka hor geeridiisa.

Sanadkii 2014-kii, Cali Khaliif waxaa loo doortay madaxweynaha maamulkii la magac baxay Khaatumo ee gobollada Sool iyo Sanaag. 

Doorasho dhacday bishii August ee sanadkaas ayuu uga guuleystay Maxamed Yuusuf Jaamac (Indho Sheel), oo ahaa musharrax kula tartamayay xilka madaxweynaha Khaatumo.

In muddo ah ayuu u ololeynayay inuu maamulkiisa aqoonsi uga helo dowladihii tan iyo xilligaas soo maray Soomaaliya, hase yeeshee uma suuragalin.

Heshiiskii Somaliland iyo Khaatumo

Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Dr Cali Khaliif Galleyr

Bishii October ee sanadkii 2017-kii, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo xilligaas ahaa Madaxweynaha jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland iyo Dr Cali Khaliif Galleyr oo ahaa Madaxweynaha maamulka khaatumo ayaa magaalada Ceynabo ku kala saxiixday heshiiska wadahadallo labada dhinac u soo socday muddo labo sano ah oo ka kala dhacay dalalka Itoobiya, Imaraatka, Hargeysa iyo Jabuuti.

Nuqul kamid ah war murtiyeedka heshiiska oo ay heshay BBC-da ayaa lagu sheegay in labada dhinac ay kala saxiixdeen qoddobo ay kamid yihiin

  • In la helo cadaalad, sinaan iyo nabad ku wada noolaansho.
  • In la wada ilaaliyo jiritaanka iyo madaxbanaanida Somaliland.
  • In khilaaf kasta oo jira lagu dhameeyo wada hadal iyo jid nabadeed.
  • In dastuurka dib loo furo, si loo sugo awood qeybsi ku dhisan cadaalada iyo Sinaan, guddi joogto ahna arrintaasi loo saaro.
  • In Somaliland, ururada samafalka iyo hey’adaha jimciyada quruumaha ka dhaxeysa ay ka hawl galaan sidii mashaariic horumarineed looga fulin lahaa gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle iyo In ciidamada hubeysan ee Khaatumo la qarameeyo, oo Somaliland ay yeelato ciidan qaran oo suga xuduudaha, jirintaanka iyo danaha Somaliland.

Xigasho: BBC Somali