Xagee ku dambeyay kiiska baaritaanka Ikran Tahliil ?

Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Maxamed Xuseen Rooble ayaa 21-kii bishii tagtay heshiis ka gaaray khilaaf muddo u dhaxeeyay.

Khilaafkaas ayaa ka dhashay sida loo wajahayo baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo ah gabar ka tirsaneyd hay’adda sirdoonka ee NISA oo la la’yahay, oo ay haya’ddu sheegtay inay dileen Al-Shabaab, taasi Al-Shabaab ay iska fogeysay. Waxaa qodobada heshiiska ka mid ah in hay’adaha caddaaladda loo madax baneeyo inay baaraan kiiskan.

Halkan ka dhagayso Barnaamijka Galka baarista oo Voa-da ka diyaarisay.