Geerida kahor, 7 arrin oo uu ku hawlanaa madaxweyne Cali Mahdi Maxamed.

Waxaa xalay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed, ilaa hadda ma cadda sababta uu u dhintay, mana jirto baaris arrintan la xiriirta oo lagu dhawaaqay, iyada oo lagu wado in maalmaha soo socda loo dhigo aas qaran halka Villa Somalia ay sheegtay in saddex maalin hoos loo dhigay calanka, lana muumuusayo.

Haddaba, waxaan akhristeyaasheena xusuusineynaa waxyaabihii uu madaxweynaha ku hawlanaa geerida ka hor.

1. Yagleelidda dowlad rayid ah:  Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed, waxaa uu weligii diidanaa keligii taliska, xoog wax lagu doonno iyo askarta siyaasadda lugaha la gasha, isaga oo ku gadooday keligii taliyey Maxamed Siyaad sla markaana ahaa maalgeliyaha USC, madaxdii manifesto oo Barre kula taliyey inuu dadka u tanaasulo, markii dambana Gen. Caydiid isugu dhaceen in aanu askari lagu badalan karin askari kale, waxaase maalmahan dambe isaga oo nabadda uun ka shaqeynayey ka hadalsiiyey markii uu arkay habdhaqanka maamulka Farmaajo ee uu uga meermeerinayo qabashada doorasho.

Madaxweynaha oo ka hadlayey haddii la waayo dowlad fiican waxaa uu yiri ‘‘Siyaasadda niman ayaa noogu jira, aniga siyaasi waa ahaay, hadda ma ahi, miskiin gurigiisa jooga ayaa ahay, laakin hal waxaad ayaan rabaa, qof aan ka waayo aan la dagaalamaayo, dowlad fiican, oo caadil ah, oo dalka caadil ku dhaqaayo ayaan rabaa, ninkii aan ka waayana qoraygii cadaa, weli xabaddii kama bixin, warku inuu cadaado ayaa la rabaa’’.

2. Dhaliilidda aragtida maamulka Farmaajo: Waxaa uu Farmaajo ku dhaliilay marar badan in aanu wax maqleyn, kursi isku dhejin, isla markaanu aanu cidna talo weydiin, waxaa uuna uga digay in kursiga isku dhejiyo oo dalka uu geliyo dagaal sokeeye, isaga oo yiri ‘’Cabdullahiyow waa soo dadaashay, waxbaad  qabatay, xuduuddii ayaad  joogtaa, kursi haddii darajo leeyahay, haddii janno lagu kasbanaayo, muddo lagu kasbado waad joogtay, haddii aan naar ku kasabatana, muddo lagu kasbaday waad joogta, waxaan kula talineynaa doorashadaasi waa iney ku dhacdaa waqtiga dastuuriga ah, cid Soomaali oo yeeleysaa in dib loo dhigo ma leh, haddii aad ku qabato waan ku xushmeynenaa, haddii aad soo noqoto waan ku xushmeheyna, haddaad dhacdo waan ku qadarineynaa madaxweynihii hore ayaa tahay, kursiga waan kaaga kaceynaa, laakin Soomaaliya haku hoggaamin dagaal dambe oo sokeeye’’.

3. Mideynta beesha Mudulood: Madaxweyne Cali Mahdi waxaa bilihii ugu dambeysay uu waday dadaallo la xiriira mildeynta beesha Mudulood, isaga oo qabtay shirar badan oo arrinkan la xiriiira.

Mid ka mid ah shirarka waxaa uu ka yiri ‘‘Taariikhda ay Muduloow, waa kii Talyaaniga marka xukumayey axsaabta waxaa ay galayaan, xisbiga ku guuleysta ayaa xukuumadda dhisi doona, Leegada ayey galeen, gaalo jabiye ayaa loo bixiyey,  ummadan meesha uma fadhiyaan iney qabiil ku duulaan, uma fadhiyaan iney dowlad maanta jirto ay dunto, waxay u fadhiyaan maadaama la is dishay, iyada dhexdeeda is cafiso, kadibna golol Soomaaliyeed ay dhigto. Muduluud waa Qaran, macnaheeda ma ahan qaran Soomaaliyeed  waxaa ula jeedaa tirada, awoodda iyo baaxadda ayaa qaran ka dhigaayo’’.

4. Maqaamka caasimadda Muqdisho:  Madaxweyne Cali Mahdi waxaa uu dadaal badan u galay in caasimadda yeelato maqam u gaar, isaga oo uga digay dowladda federaalka ah in aaney dhageysan 4 milyan.

Mar uu ka hadlayey maqaamka Muqdisho waxaa uu yiri ‘‘Maamul gobolka uu yeeshaa rabnaa, gobolkan waxaa uu ka mid yahay 18 gobol, 17 gobol dadkii ku noolaa xuquuqdoodii waa heleen, gobolka Banaadir dadka ku nool xuquudoodii waa iney helaan, waa gobol 3 ama 4 milyan oo Soomaali ah ku noolshahay, waxa dhisanaayo Hawiye ma aha, Soomaaliya ayaa deggan, oo dhisaneysa,  iney dowladda dhisto waan ka sugeynaa, haddii aysa diido, xuquuqda inkirto, dadka waa tashanaayaan’’.

5. Geed fadhigga mucaaradka: Madaxweyne Cali Mahdi waxaa uu bilihii dambe geed fadhi u ahaa mucaaradka dowladda, waxaana booqasho joogta ah ugu tagi jiray madaxweyneyaashii hore iyo in kale oo badan oo musharaxiinta ah si ay ugala tashtaan xaaladda dalka, marxaladda kala guurka iyo diyaar garowga doorashada 2021.

6. Bilic soo-celinta Muqdisho: Madaxweyne Cali Mahdi waxaa uu ku hawlanaa soo celinta bilicda caasimadda Muqdisho isaga oo hadda dhisayey dabaqa ugu dheeraa, waxaa kale oo uu ganacsatada kula taliyey in dalka kusoo noqdaan, oo maalgeshtaan.

Madaxweynaha oo ka hadlayey shir jaraa’id uu ku qabtay Hotelkiisa ku yaal xeebta Liido ayaa yiri ‘‘Waxaan go’aansaday in Soomaaliya ka dhiso hotel 5 star ah, oo u qalma hotellada caalamiga ah, dabcan keligiis kuma filno, oo 30 hoteel noocaan ah la dhiso, waddanku uu nabad helo, waa ku yaraanayaan, oo hotelo kale  aye u baahnaan doonaan, laakin aniga waxaan noqday kii ku dhiirada inuu bilaabo hotel saasa ah, oo u baahan lacag xoog leh, dhismaha aan u jeediin Ingineer aan Soomaali aheyn waxba kuma darsan, gacansatada Soomaaliyeed ee Kenya waxaa kula taliyey xoolaha ay ajnabiga gelinayaan in aaney iyagu laheyn, haddii aadan Soomaaliya geyneyn ugu yaraan 50% dalka keliya, dal walba waxaa dhiso dadkiisa, laga sumi waayo dowlad oo sharci ayey sameysaa, maalgelinta waxaa leh ganacsatada uu ilaah xoolaha siiyey’.

7. Xariirka Farmaajo iyo Cali Mahdi: Madaxweyne Cali Mahdi Waxaa uu sheegay in aan wax xiriir ah kala dhaxeyn Farmaajo, isaga oo ka hadlayey labo jeer oo ay kulmeen waxaa uu yiri ‘‘Aniga madaxweynaha colaad gooni ah uma qabo, saxiibtinnimo gooni ah uma qabo, Farmaajo aniga labo jeer ayaan arkay weligey, maalin waxaa ii geeyey Governatooraha Cumar Finish, innaga oo faataxeysaneyna sooma kala tagin, waxaan kusoo kala tagnay waxaan kuu gooynaa kaar aad magaalada ku marto, maalin taas ayey aheyd taariikh madow ayey aheyd, marna waxaan u tagay isaga ayaa isoo wacoo, dad isoo diray, xafiiskiisa ayaa galay kursiga uu fadhiyo inta aanan tagin, irida aan 5 daqiiqo istaagneyn, waana kasoo tagay, mana go’aansan in aan mar dambe u tagin’’.

Madaxweynahii Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed ayaa arbacadii ku geeriyoodey da’da 82 jirka. Cali waxaa uu ku dhashay Shabeellada dhexe 1939-kii, waxaa uuna siyaasadda kahor ahaa ganacsade.

Cali Mahdi oo ahaa maalgeliyaha USC waxaa Muqdisho Madaxweyne loogu doortay 29-kii January 1991-dii, labo maalin kadib ceyrintii Siyaad Barre.

Shirar kale oo dib u heshiisiin oo ka dhacay Djibouti 5–1 June 1991 iyo shirkii July oo ay ka qeyb galeen USC, SPM, SDM iyo SSDF iskana diiday SNM ayaa mar kale loo doortay Madaxweyne muddo 2 sano iyada oo la dhaariyey August 18,1991.

Cali Mahdi waxay isku dhaceen Caydiid tiiyo keentay dagaalkii caanka ahaa ee biliwday November 17, 1991, dagaalkaas oo loo yaqaan afarta bilood, keliya kuma burburin dowladnimo ee waxaa ka dhashay dhimashada dad gaaraya 25, 000 halka 1.5 million oo dad ah ay qaxeen.

Mahdi iyo Caydiid waxaa ay loolamayeen ilaa Caydiid la dilay August 1996-dii iyada oo Cali Mahdi ugu dambeyntii ogolaay inuu tanasulo January 3, 1997 oo ahaa shirkii Soodare ee ka dhacay Itoobiya.

2,000 shir ka dhacay Djibouti ayaa waxaa uga adkaaday Cabdi Qaasim Salaad, xilligaas kadib waxaa uu ahaa odey ka shaqeeya nabadda.

W/D: Cabdicaziz Gurbiye
Goobjoog News