Canada oo kalsooni ku qabta habka loo maamulo Lacagaha ay Soomaaliya ugu deeqaan

Wasiirka Socdaalka dalka Canada Axmed Xuseen oo ah nin Soomaali ah ayaa waxa uu sheegay in lacago fara badan sanad kasta Canada ay ugu deeqdo Soomaaliya.

Wuxuu sheegay lacagahaasi inay ku kalsoon yihiin sida loo maamulo, wuxuu tilmaamay shirkii ka dhacay Brussels inay xoojiyeen dhaqaalaha ay ugu deeqeen Soomaaliya.

Wasiir Axmed Xuseen ayaa sheegay in Canada ay shirkaasi ka aheyd korjoogto islamarkaana ay indha indheyneysay dhaqaalaha Soomaaliya ay ugu deeqayeen wadamada reer Yurub iyo lacagahaasi meelaha loo qorsheeyay inay ku baxaan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Canada aysan waxba ka bedeli doonin dhaqaalaha iyo taageerada ay siiso Soomaaliya, maadaama dowladda Soomaaliya ay taageero u muujisay Sacuudiga oo khilaaf uu kala dhaxeeyo Canada.

“Aniga waxaan ku kalsoonahay lacaga ay bixiso Canada inay gaarto shacabka Soomaaliyeed, sababtoo ah dadka loo qoondeeyay qaarkood ayaan garanayaa, wixii ka soo baxay ama faa’idooyinkooda waan arkay.” Ayuu yiri Wasiirka Socdaalka Canada.

Dowladda Canada ayaa waxa ay ka mid tahay dowladaha dhaqaalaha badan siiya Soomaaliya, sanad kasta, kuwaasi oo loogu tala galay in wax looga qabto arrimaha abaaraha iyo xaaladaha kale ee ka jira Soomaaliya.