Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay si buuxda ula wareegeen degaanka Buulo Gaduud ,oo ay saakay aroortii ay kusoo qaadeen Weerar toos ah iyo Qaraxyo.
Waxa ay sheegteen Al-Shabaab in ay ciidamada maamulka Jubbaland ka qabsadeen degaankaasi.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidamada maamulka Jubbaland ee saakay Weerarka lagu soo qaaday.
Weerarka ayaa ku bilowday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ka dibna waxaa xigay dagaal toos ah.
Degaanka Buulo Gaduud ayaa 30 km u jira dhanka waqooyi Magaalada Kismaayo, Ilaa iyo hadda lama ogga Khasaaraha ka dhashay Weerarkaasi.
Waxii kusoo kordha kala soco Goobsan.com