Xukuumada Soomaaliya oo sheegtay inay guddiga gurmadka Suuqa Hargaisa udirtay $12,700,000.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay galabta Guddiga Gurmadka Suuqa Waaheen u dirtay $12,700,000 USD oo loogu talo-galay Gurmadka Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa.

Raysal wasaare ku xigeenka xukuumada Soomaaliya, Mahdi Guuleed ayaa warkaan lagasoo xigtay, kadib markii uu bartiisa twitterka ku shaaciyay qoraal uu ku xaqiijinayay arrintan.
“XFS waxa ay galabta Guddiga Gurmadka Suuqa Waaheen u dirtay lacag dhan $12,700,000 USD oo loogu talo-galay Gurmadka Suuqa Waaheen” ayuu yidhi Mahdi Guuleed.
Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa amray in Somaliland loo fasaxo dhaqaalahan, si wax looga qabto khasaaraha ka dhashay Dabkii dhowaan ka kacay Suuqa Waaheen, kaasoo burburiyay ganacsiyo balaayiin dollar ah.

Somaliland ayaa sheegtay inay soo dhoweynayso cid kaste oo gacan ka geysanaya gurmad shacabkeeda.

Waxaa dhowaan qadka taleefonka ku wada hadlay madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo iyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, iyagoo ka wada hadlay musiibada ka dhalatay Dabka.

Jabril Yahye Isse, 
Goobsan Media Inc