Xukuumad Cusub oo la Wareegtay Talada Dalka Denmark.

Waxaa xalay fiidkii soo gabagabowday tirinta codadka doorasho shaley ka dhacday dalka Denmark, doorashadan oo ay ku loolamayeen xisbiyada garabka bidix iyo kuwa midig oo uu xifaaltan culus ka dhaxeeyo, waxaana ugu danbeyntii guushu raacday xisbiyada bidix kuwaas oo helay 91 kursi oo baarlamaanka ah, halka xisbiyada midigta oo uu katirsanyahay reysulwasaaraha hada talada hayo, Lars løkke ay heleen 79 kursi. Waxeyna sidaas ku lumiyeen xukunka Denmark oo ay hayeen Afartiii sano ee u danbaysay. 

Hogaamiyaha xisbiga Socialdemokratiet Mette Frederiksen, ayaa lagu wadaa inay noqon doonto reysulwasaaraha cusub ee dalka Denmark. 

Ra’isal wasaare Lars Løkke Rasmussen oo xalay dadweynaha la hadlay ayaa sheegay in xisbigiisu uu ku guuldaraystay inuu mar kale hogaamiyo wadanka sidaas darteed oo masuuliyada ku wareejin doono xukuumada cusub ee talada dalka la wareegtay.

Mette Frederiksen, waa Afartan jir mudo Labaatan sano ah ku soo jirtay siyaasada Denmark, sanadkii 2011 kii ilaa 2014 kii waxay ahayd Wasiirkii Shaqada sidoo kale 2014 kii ilaa 2015 kii waxay ahayd wasiirka Cadaalada xukuumadii ay hogaaminaysay Helle Thorning-Schmidt.

Waa haweenaydii labaad ee Ra’isal wasaare ka noqota dalka Denmark, waxaana la filayaa inay la imaan doonto siyaasad furfuran oo ka badalan mida hada ay ku xukumaan xisbiyada garabka midigta.

© Goobsan Media