Maxkamada ciidamada Qalabka sida ayaa saakay xukun ku riday labo nin oo ku eedeysnaa inay ka tirsan yihiin kooxda la baxday khilaafada islaamka kadib dhawr fadhi oo ay maxkamadu qabatay todobaadyadii ugu dambeeyay.
Mahad Maxamuud Cabdi oo ah eedeysanaha kowaad ayaa loo haystay inuu ku hawlanaa aasaasidda koox daacish ah oo ka hawlgali lahayd konfurta Soomaaliya iyadoo eedeysanaha labaad Maxamed Da’uud Daahir Warsame loo haystay inuu ahaa madaxa caafimaadka iyo lacag ururinta ee kooxda Daacish.
Labo eedeysane ayaa lagu xukumay min 15 sano oo xabsi ciidan ah kadib markii garsooraha maxkamada darajada kowaad ee ciidamada Xasan Cali Nuur Shuute uu sheegay in eedeysanayaasha lagu helay dhamaan eedihii loo haystay.