Afar xubnood oo ka tirsanaa Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo ay ku mideysan siyaasiyiinta Mucaaradka dowladda Fedaraalka ayaa la sheegay iney isaga baxeen Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.
Xubnahaan oo kala ah Raysal Wasaarihii hore Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, Guddoomiyeyaashii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Wasiirkii hore ee Warfaafinta Daahir Maxamuud Geelle ayaa la tilmaamay in madashu isaga baxeen kadib markii uu fogaaday khilaafka kala dhaxeeyay xubnaha kale ee Golaha.
Khilaafka xubnaha Madasha Samatabixinta ayaa si aad ah u xoogeystay kadib markii ay isku raaci waayeen qaar kamid ah qodobadi uu hordhigay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee la xiriiray cutubta 4aad ee Dastuurka dalka.
Wararku waxay sidoo kale sheegayaan in afartaan masuul maalmihii lasoo dhaafay ay wadeen kulamo dhexdooda ah oo ay uga arrinsanayaan sidii ay u sameysan lahaayeen Urur Siyaasadeed ay ku mideysan yihiin si ay u sameeyaan dhaqdhaqaaq siyaasadedd cusub.
Ugu dambeyntii ka bixista xubnahaan ayaa kusoo beegantay, iyadoo guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka uu shalay shaaciyay in dib loo furay is diiwaan gelinta axsaabta siyaasadeed iyo codbixiyeyaasha mudo labo toddobaad ah.