Xubno kamid ah Al-shabaab oo la dilay

Maamulka degmada buurdhuubo ee gobolka Gedo ayaa sheegay in ay dileen saraakiil iyo askar ka tirsan Al-Shabaab.

Maamulka ayaa sheegay in 7 dagaalame oo Al-Shabaab ka tirsan iyo labo sarkaal ay dileen.

Guddoomiyaha degmada Buurdhuubo Xasan Muxumed Cali ayaa sheegay in howlgalo ay ciidanka ay sameeyeen lagu guuleystay in lagu dilo Al-Shabaab.

Waxa uu xusay in ay qorsheynayaan in guud ahaan la soo afjaro dagaalka ka dhanka Al-Shabaab ee ka socdo degmadaas.

Saraakiil ciidan iyo masuuliyiin ka tirsan Maamulka degmada buurdhuubo iyo maamulka gobolka Gedo ayaa koormeeray xeryaha ciidamada Jubbaland ay ku leeyihiin gobolka Gedo, waxaana ay ciidamada ku dhiira geliyaan laba jibaarida howlgalada ka dhanka Al-Shabaab.