Xoojinta Garsoorka oo bilaabatay iyo 18 Garsoore oo shaqada laga Joojiyay

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Ibraahin Iidle Saleebaan, ayaa shaqada ka joojiyay 18 Garsoore oo ka tirsan Hay’addaha Garsoorka dalka, kana hawlgalaayay maxkamado ku yaal Magaalada Muqdisho.

Wareegto shaqo joojin ah oo ka soo baxday Xafiiska Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, ayaa lagu faah-faahiyay 18-ka Garsoore ee shaqada laga joojiyay maanta oo Talaado ah.

Lix Garsoore oo Xeer Madaxweyne ku magacawnaa ayaa ka mid ah Garsooreyaasha shaqada laga joojiyey waxa ayna kale yihiin; Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Benaadir, Guddoomiyeyaasha Maxakamadaha Degmooyinka Cabdicasiis, Xamar Jajab iyo 3 Garsoore oo ka hawl gala Maxkamadda Gobolka’Waxaa kale oo shaqada laga joojiyey 3 Garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Racfaanka Gobolka, Guddoomiyaasha maxkamadaha degmooyinka Shangaani, Yaaqshid, Dharkeynley, Xamarweyne, Dayniile iyo 4 Garsoore oo ka tirsan maxkamadaha degmooyinka Xamar Jajab, Dayniile, Yaaqshid iyo Dharkeynley.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u sheegay in Bilaha soo socda xoogga la saari doono xoojinta Garsoorka iyo Cadaaladda.