Xoghayaha Gaashaandhiga Maraykanka oo Booqasho Ku Tegay Jabuuti (VIDEO)

Xoghayaha Gaashaandhiga Maraykanka Jeneraal James Mattis ayaa Axadii shalay gaaray dalka Jabuuti oo ay ku taal xerada ugu weyn ee uu Militariga Maraykanka ku leeyahay qaarada Afrika.

Booqashada Jeneraal Mattis ayaa lagu soo beegay wakhti ay xukuumada cusub ee Maraykanka sheegtay inay dardar gelin doonto dagaalka ay kula jirto kooxda Al Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.

Saldhiga Maraykanka ku leeyahay Jabuuti ayey ku sugan yihiin askar gaareysa 4 kun oo Maraykan ah, waana halka laga hago diyaaradaha Drones-ka uu Maraykanka ku duqeeyo qeybo kamid ah dhulka Al shabaab ku sugan tahay.

Jeneraal Mattis ayaa shir jaraa’iid oo uu ku qabtay Jabuuti kadib markii uu kulan la yeeshay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, ayaa ka hadlay ahmiyada booqashada uu ku yimid Jabuuti.

Wuxuu sheegay in dalka Jabuuti uu kamid ahaa wadamadii ugu horeeyey ee garab istaagay Maraykanka kadib weerarkii 911, wuxuuna sheegay in saldhiga ay ku leeyihiin Jabuuti uu yahay kan ugu weyn ee joogtada ah ee Qaarada Afrika ku yeesheen.