Wararka nasoo gaaray ayaa sheegaya in isku day dil uu ka badbaaday Wasiirkii Wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska Eng. Saalax Sheekh Cismaan.
Wasiirka ayaa la sheegay in gaari uu la socday isla markaana sii galaayay hooygiisa lagu dhuftay gaari kale oo markii hore ku diyaarsanaa agagaarka Wasaradii hore ee Amniga Gudaha.
Gaariga lagu dhuftay kan Wasiirkii howlaha guud ayaa la sheegay inuu ahaa gaari raaxo, waxaana intaa kadib xigay rasaas ooda looga qaaday Wasiirkii howlaha guud.
Qaaar kamid ah ee warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa baahiyay in Wasiirka gaarigaasi loogu sii diyaariyay wadada dhinaceeda, iyadoo falka ku dhufashada iyo rasaastuba ay ku bilaabatay xili uu ku xaroonaayay Hooygiisa oo ku yaalla agagaarka Wasaaradii hore Amniga ee ku dhow taalada Daljirka daahsoon