Ilo kala duwan oo ku dhow Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegaya in weerarkii xalay lagu qaaday guriga Wasiirkii hore ee Iskaashiga iyo xiriirka caalamiga C/raxmaan C/shakuur ay fuliyeen ciidamo ka tirsan sirdoonka iyo Nabadsugidda Soomaaliya.
Ciidamada weeraray hoyga Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa waxaa hogaaminayay Taliyaha Nabadsugidda gobolka Banaadir Saadaq Joon iyo Yaasiin Nuur Kheyre (Yaasiin Ganey),
Illaalada guriga C/raxmaan oo isku dayey in ay ogaadaan waxa ay yihiin ciidanka yimid guriga ayaan furin Albaabka, balse waxa ay ciidanka weeraray guriga siyaasigu xoog ku galeen guriga iyaga geystay dil iyo dhaawac soo gaaray illaalida guriga.
C/raxmaan C/shkuur oo ku sugnaa guriga ayaa waxa haleeshay xabbad kaga dhacday gacanta sida uu sheegay C/fitaax Ibraahim Geeseey oo kamid ah baarlamaanka Federaalka Soomaliya islamarkaana xiligaas la joogay.
Dad ugu tegey Siyaasiga C/raxmaan C/cashkuur Warsame, xarunta maama Khadiijo ee Hay’adda nabadsugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaliya ee (NISA) Degmadda Boondheere ee Gobolka Banaadir ayaa Sheegay in dhaawiciisu fudud yahay.
Xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa maalmahan wadda weerar afka iyo gacanta ah oo lagu qaadayey siyaasiyiinta iyo xildhibaanada ka aragtida duwan.
Waxa jira xog sheegeysa in Raisalwasaaraha Xukuumadda Federaalka Xasan Cali Kheyre uu lahaa go’aanka weeraraka loogu qaaday guriga Siyaasiga C/raxmaan Cabdishakuur Warsame oo saqdii dhexe dhacay.