XOG: Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo loo Magacaabayo Safiir

Shirkii Khamiislaha ahaa ee Golaha Wasiirada Dawladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa waxaa Maxamuud Axmed Nuur Tarsan loogu magacaabay Safiir oo cusub, kaas oo aan la shaacin wadanka loo nagacaabay.

Hadaba baaritaan aan samaynay waxaan ku ogaanay in Tarsan loo magacaabayo ama loo balan qaaday Safiirka Soomaaliya u fadhinaya dalka Kenya, inkastoo aan shalay go’aankii golaha lagu shaacin wadanka loo magacaabay.

Tarsan ayaa Safiirka Kenya loo magacaabayaa xilli uu ahaa La-taliyaha Madaxweynaha bilihii ugu dambeeyey.

Inkasta oo aan la xaqiijin ayaa haddana wararka qaar ay sheegayaan in Odoyaasha iyo waxgaradka beesha Mudulood ay magacaabista Tarsan kala hadleen Madaxweyne Farmaajo.

Booska Tarsan loo magacaabayo ayaa waxaa horay u hayey Wasiirka Qorshaynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo kasoo jeeda Beesha Warsangali/Harti Daarood, wuxuuna banaanaa in ka badan 18 bilood oo uu ilaa hadda hayo Qunusulka Safaaradaasi Cali Bagadi.