Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji ayaa warbaahonta u sheegay Howlgallo amni xaqiijiin ah oo ay wadeen inta ay socdeen in lagu soo qab qabtay dad aad u fara badan oo looga shakisan yahay in ay qeyb ka yihiin falalka amni daro ee mararka qaar dhaca.
Wuxuu inoo sheegay Cismaan Nuur Xaaji inta ay socdeen Howlgaladan in ay jireen rag ka tirsan ururka Al-shabaab oo isa soo dhiibay, kuwaasi oo ay ku jiraan saraakiil.
Guddoomiye ku xigeenka ayaa sidoo kale sheegay Shabaabka isa soo dhiibay in uu ku jiray Cali Xuseen oo ka mid ahaa Taliyeyaasha Howlgelinta ururka Al-shabaab ee gobolkaasi.
Dhanka kale Guddoomiye Cusmaan ayaa sheegay dadka lagu soo qab qabtay Howlgalada in ay hada ku jiraan xabsiyada, laguna sameynayo baaritaano, si loo kala saaro, oo cidii dambi lehna loo xukumo.
Wuxuu sheegay in ay ka go’an tahay in Gedo ay ka dhigaan meel nabad gelyo ah, oo Shabaabka halkaasi ku dhuumaaleysanayana ay la dagaalamaan.
Tan iyo markii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo uu ku dhawaaqay in Dowladda ay cafis u fidineyso dhalinyarada Shabaab ka soo goosata ayaa waxaa jira rag badan oo Dowladda isku soo dhiibay, inkastoo tiradooda rasmiga ah aanan laheyn.