Xog ku saabsan Markabkii jaray Fiilada Internetka Bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya iyo halka uu ku suganyahay

Markabkii 24kii June jaray Internetka bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya ayaa ku xirtay Dekad ku taalla Dalka Hindiya kaddib markii uu ka shareecday Dekadda Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya waxaa ay horay u sheegtay in Markabka Sharikadda iska leh ee lagu magacaabo MSC Alice, taas oo iyana horay u sheegtay in ay dhacdadaas baareyso.

Markabka ayaa hadda ku xiran Dekadda lagu magacaabo Alang ee Xeebta Galbeed ee Dalka Hindiya,halkaas oo ay sidoo kale qudhiisu ku socoto farsameyn.

Markabkan oo la sameeyay Sanadkii 1998ddii,ayaa Habeenkii Axadda 24kii June jiiray Fiilada Internetka siisa bartamaha iyo Koofurta Soomaaliya,taas oo sababtay in 23 maalmood Internet la’aan noqoto koofurta Dalka.

Xeer Ilaaliyaha Qaranka Soomaaliya Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in Lacagaha khasaaraha ah ay ku dallacan tahay Sharikadda Markabkaas iska leh oo ay iyada bixineyso haddii ay diiddana la tiigsan doonaan sharciga Caalamiga ah.

Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya Cabdi Canshuur Xasan ayaa sheegay in maalin waliba Soomaaliya khasaareysay $10 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah Internetka maqan dartii.

Sharikadda iska leh Markabka Jiiray Fiilada Internetka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay baaritaan dhab ah ku sameyneyso eedaha Dowladda Soomaaliya u heysato ee ku saabsan in Markabkeeda uu jaray Internetka Soomaaliya.