Waxaa shalay galinkii dambe gaaray magaalada Cadaado ee xarunta Maamulka Galmudug wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ay wehliyaan Xildhibaano katirsan labada Aqal iyo masuuliyiin kale .
Wasiirka Arimaha Gudaha iyo masuuliyiinta kale ee la socatay ayaa kulamo saacado badan la qaatay maamulka Galmudug, waxa ayna ugu dambeyn ku guuleesteen in maamulka Galmudug lagu qanciyo in doorashada dib loo dhigo lana sameeyo Dib u heshiisiin ayadoo la gaarsiin doono waqtiga doorashada ilaa bishan 30keeda. hadaba halkaan ka aqri qodobada heshiiskaas oo saxiixan iyo cidda ku saxiixan.