XOG: Heshiis u dhaxeeyay Dowlada Maraykanka, DF Iyo Sh. Muqtaar Rooobow oo Soo gaba gaboobay,

Sida ay Xaqiijiyeen warar lagu kalsoon yahay. Waxaa dhawaan Soo dhamaaday heshiis qarsoodi ah oo u dhaxeeyay dowlada Maraykanka iyo Wadaadka dhawaan ka soo goostay Kooxda Al-Shabaab,

Kulankan oo in mudo ah socday ayaa waxaa garwadeen ka ahaa dowlada federaalka ee Soomaaliya oo uu wakiil uga ahaa wasiirka gaashaandhiga Amb. Maxamed Mursal,

Ujeedada looga golahaa kulankan ayaa waxaa uu ahaa sidii Sh. Muqtaar roobow looga gacan siin lahaa abaabulka Jabhada diimeed guluf colaadeed ku qaada kooxda Al-shabaab taasoo in dhawayd ba uu diyaarinteeda ku guda jiray Roobow,

Dowlada Maraykanka ayaa dhankeeda balan qaaday inay dhaqaale iyo cudud militeri ku taageeri doonto qorshahan uu soo bandhigay Muqtaar Roobow oo la rumaysan yahay inuu culeys ku keeni karo Shabaab oo dagaalo kula jira dowlada Federaalka iyo Ciidamada Midowga Afrika,

Jabhadan oo Saldhigeedu noqon doono Magaalada baydhabo ayaa weeraro Colaadeed ku qaadi doonta goobaha ay ka soo duulaan tagaan Kooxda Shabaab.

Rooboow Mansuur oo horay u soo noqday Ku xigeenka Kooxda Shabaab ayaa la sheegay inuu Ku wanaagsan yahay dhanka abaabulka Maleeshiyaadka iyo dagaalka Lamana oga Sida uu ku hirgeli doono qorshahan cusub ee uu iminka la yimid, Waxaana xusid mudan In uu Roobow ku guuleystay siduu usoo xero gelin lahaa Saarkiil iyo maleeshiyaad ka tirsanaa kooxdaas,

Goobsan Media.