Ra’isalwasaaraha Xukuumada soomaaliya Xasan cali Khayre ayaa Booqasho ku jooga dalka Turkiga, Ra’isalwasaaraha ayaa kulan hor dhac ah kula qaatay magaalada Ankara dhigiisa Turkiga Ben Ali Yildirim.
Intaasi ka dib Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo Ra’iisal wasaraaha Turkiga Ben Ali Yildirim ayaa kulan saacado qaatay wada yeeshay,waxayna si qoto dheer uga wada hadleen Xiriirka labada dal iyo sida lagu xoojin doono.
Kulanka Labada Ra’iisal wasaare ay yeesheen waxaa goob joog ahaa Wasiirka Difaaca Turkiga iyo Xubno kale oo ka tirsan Dowladdaasi.
Sidoo kale,waxaa la filayaa in kulan labaad ay isugu yimaadaan Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo dhigiisa Turkiga Ben Ali Yildirim,kaasoo oo ah kulan qado sharaf oo loo sameeyay wafdiga uu hogaaminayo Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.
Kulamada dhex mari doona labadan Ra’isalwasaare ayaa looga hadli doonaa Arrimo dhowr ah sida Hormarinta Mashaariicda dowladda Turkiga ay siiso Soomaaliya, dhanka Militariga ayaa lagu soo hadal qaadi doonaa iyo sidii Dowladda Turkiga gacan uga gaysan lahayd dagaalada lagula jiro Al-shabaab.
Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa Warbaahinta Goobsan.com u xaqiijiyay in dowladda Turkiga ay ka shaqaynayso sidii Xiriir wanaagsan u dhex mari lahaa Dowladda Soomaaliya iyo dowladda Ruushka Arrintaas waxaa si qoto dheer uga shaqaynaya hogaamiyaha dalka Turkiga Racep Tayyip Erdugan bacdamaa uu Saaxiib dhow la yahay Madaxda Soomaaliya.
Waxaa Xusid mudan in Ra’isalwasaare Khayre uu bishii lasoo dhaafay magaalada New York ee dalka Mareekanka kula kulmay Wasiirka Arrimaha dibeda ee dalka Ruushka Sergey Lavrov ayagoona ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xariirka labada dal.
Wafdiga labada dhinac ee Ruushka iyo Soomaaliya ayaa isku afgartay qodobo dhowr ah, iyadoo lagu balamay in la kordhiyo kulamada ay yeelanayaan masuuliyiinta labada dowladood, si loo adkeeyo xiriirka Soomaaliya iyo Ruushka ka dhaxeeya.
Dhanka kale dowladda Ruushka ayaa cafin doonta deymo ay ku lahayd dowladda Soomaaliya taasoo waqtigii dowladii dhexe ee bur burtay lagu lahaa ayna hub iyo saanado Militari uga qaadatay dowladda Ruushka.
Haddi xariirka dowladda Soomaaliya iyo Ruushka uu wanaagsanaado ayaa waxaa la qorshanayaa in dowldda Ruushka oo garabsanaysa dowladda Shiinaha ay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay hor geyn doonaan Qaraar loo adeegsaday Codka Fiitowga kaas oo ay ku dalban doonaan in Cunaqabataynta Hubka ka saaran Soomaaliya laga qaado taas oo ay dan wayn ugu jirto dowladda Soomaaliya.