Magalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa Maanta la filayaa inay tagaan Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya gaar ahaan kuwa ay deegaan doorashadooda tahay deegaanada Galmudug.
Wafdiga Xildhibaanada ah ayaa waxaa hoggaaminaya Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka sare Abshir Bukhaari,waxaana qeyb ka noqon doona Xildhibaanada kala ah,Cabdiraxmaan Odawaa, Saabir Nuur Shuuriye, Siciid Nuur Giriish iyo Xildhibaano kale.
U jeedka wafdigaan tagaya Magalada Cadaado ayaa waxa lagu sheegay xaalada siyaasadeed ee kusoo korortay deegaanada Galmudug, iyada oo Madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu ku sugan yahay Dagmada Godinlabe Gobolka Galgaduud,
Xubnaha wafdiga Xildhibaanada ah ayaa warar la helayo waxaa ay sheegayaan inay macquul tahay inay la kulmaan Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle xaaf oo shalay kasoo tegay Magalada Dhuusamareeb hadana Ku sugan Dagmada Godinlabe.
Xaalada Siyaasadeed ee Galmudug ayaa mudo 12 Saacadood gudaheed ah isku bedeshay in kastoo weli ay jirto Isfahan la’aan siyaasadeed ayaa hadana waxa la filayaa in la qabto doorashada Maamulka Galmudug,isla markaana ay qeyb weyn ku yeelato Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.