Xildhibaano kasoo jeeda deegaanada Galmudug oo gaaray magaalada Cadaado

Magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah maamulka Galmudug waxaa gaaray wafdi xildhibaano ah oo ka tirsan labada Gole ee Dowladda, kuwaasi oo ka soo jeeda degaanada Galmudug.

Wafdigan oo shalay ay soo shaac baxday in ay tagayaan magaalada Cadaado, kadib markii xiisada Galmudug ay kor u sii kacday ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ku soo dhaweeyay Wasiiro, xildhibaano ka tirsan Galmudug, maamulka degmada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Xildhibaanada labada Gole ee Dowladda ka socda, gaarayna Cadaado ayaa waxaa ka mid ah Abshir Bukhaari, Axmed Macalin Fiqi, Mahad Salaad, C/wali Qanyare iyo kuwo kale.

Xubnahan ka tirsan Baarlamaanka Soamaaliya, ayaa ujeedka ay u tageen Magaalada Cadaado waxa ay la xiriirtaa sidii ay door uga qaadan lahaayeen xalinta xiisada Siyaasadeed ee ka taagan Magaaladaasi.

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka mid ah Wafdiga Xildhibaanada ee gaaray Magaalada Cadaado, ayaa qoraal kooban uu soo dhigay Boggiisa Xiriirka Bulshada (Facebook) ku sheegay ujeedka ay u tageen Cadaado inay tahay xalinta xiisadaha Siyaasadeed ee Galmudug.

“Anaga oo ah wafdi ka kooban Senetarada Aqalka Sare iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka ee laga soo doortay Dowlad Goboleedka Galmudug ayaan saakay soo gaarnay Magaalada Cadaado. Ujeedka socdaalkeena waa inaan xalino khilaafka madaxda Galmudug.”Ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad.

Xildhibaanada gaaray Magaalada Cadaado ayaa kulamo gooni gooni ah la qaadan doona Madaxda Maamulka Galmudug si ay isaga xaal wareystaan xaaladaha cakiran ee ka taagan Galmudug iyo sida xalka loo wajahayo.

Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay hadal qoraal ah oo muujinayo inay aad ula dhacsan tahay go’aankii Xildhibaano ka tirsan Galmudug ay ku sheegeen inay xilkii ka qaadeen Madaxweyne Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf).