Xildhibaano ka tirsan labada Gole oo dowladda kala hadlay Arrinta C/raxmaan C/Shakuur

Waxaa maalinkii labaad gacanta Hay’adaha Nabad sugidda ku jira Siyaasi C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ka mid ah siyaasiyiintii maalmihii u dambeeyay dhaliilaha ujeedinayay Dowladda Soomaaliya, kaasi oo habeen kahor weerar loogu dhacay gurigiisa lagu soo qabtay.

Magaalada Muqdisho xalay waxa kulan ku yeeshay xildhibaano ka tirsan labada Gole ee Dowladda ayaa waxa ay kulankooda ka soo saareen bayaan ay Dowladda uga dalbanayaan in gacantooda lagu soo wareejyio C/raxmaan C/shakuur.

Xildhibaanada ayaa waxa ay sheegeen in Madaxda Dowladda Federaalka ay ugu baaqayaan in wado wada hadal ah lagu dhameeyo khilaafaadka iyo khasaarihii ka dhashay weerarkii lagu qaaday C/raxmaan C/shakuur.

Senator Yuusuf Geelle Ugaas Dhagey oo ka tirsan Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa si kulul kaga hadlay tallaabadii lagu weeraray hoyga uu Magaalada Muqdisho ka degan yahay C/raxmaan C/shakuur.

Senator Yuusuf Geelle oo Warbaahinta la hadlay markii uu kulanku soo geba-gaboobay, ayaa sheegay inaanan la aqbali karin in xabad wax lagu xaliyo, iyadoo warqad maxkamadeed laga gayn karay C/raxmaan C/shakuur oo ka mid ah Siyaasiyiinta degan Magaalada Muqdisho.

Hawlgalka lagu soo xiray ninka Siyaasiga ah, ayuu sheegay in lagu dilay illaa lix ruux, laguna burburiyay hanti, isagoona wax khalad ah ku sheegay in baasuuke lala dhaco, dadka aan ku fekerka ahayn Madaxda Dowladda Soomaaliya.