Xildhibaano ka horyimid dhameystirka Heshiiska Galmudug iyo Ahlu-sunna

Qaar ka mid ah Xildhibaanda kasoo jeedda Magaalada Cadaado ee ku jira Baarlamaanka Galmudug ayaa kasoo horjeestay howlaha dhameystirka ah ee uu Madaxwenaha Galmudug ka waddo magaalada Dhuusamareeb.

Waxaa sheegeen waxyaabaha ka socdaa Magaalada Dhuusamareeb in ay kasoo horjeeddaan dib u heshiisiinta dadka kunool degaanada maamulka Galmudug.

Xildhibaanada ayaa sheegay in Madaxweyne Xaaf uu doonaayo in uu hareer maro dastuurka degaanada Galmudug, islamarkaana wax ka badal lagu sameynaayo dastuurka.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Galmudug ilaalinta dastuurka iyo sidoo kale bixinta Xuquuqda Magaalada Cadaado.

Waa ay sii hadleen waxa ayna sheegeen in ku sugnaanayaan Magaalada Cadaado, Maadaama Heshiiskii la gaaray 23-kii Janaayo uu dhigayay in Xildhibaanada ay ku shaqeeyaan Magaalada Cadaado, halka Maamulka intiisa kalana uu ku shaqeeyo Dhuusamareeb.