Xildhibaanki Qaraxa ka badbaaday oo durba dhaliil usoo jeediyay madaxda dowladda

 

Waxaa xalay qarax xoogan lala beegsaday xildhibaan Maxamuud C/laahi axmed oo loo yaqaan Abuukaate xildhibaanka waxba maysan soo gaarin balse waxaa dhaawacyo ay kasoo gaareen laba kamid ah istaafkiisa.

Xildhibaan Abuukaate ayaa warbaahinta la hadlay kadib qaraxii lala eegtay asagoona ugu horeyn sheegay inuu aad u bad qabo balse sheegay in rag istaafkiisa kamid ahi ay dhaawacyo qabaan.

Sidoo kale Maxamuud Abuukaate ayaa dhaliil usoo jeediyay madaxda dowladda asagoona sheegay in ay nasiib darro tahay in Madaxweyne Farmaajo xilligii uu ku guda jiray ololaha doorashada inuu balan qaaday in amniga Xildhibaanada uu iska xil saari doono, balse haatan ay muuqato dayacaad iyo is xil saarid la’aan.

“Madaxweynaha maalintii uu khudbada ka jeedinayay baarlamaanka, wuxuu noo sheegay in Amniga Xildhibaanada inuu iska xil saari doono, taa bedeleed waxaa muuqata dayacaad iyo iska xil saarid la’aan, balse nasiib darro ay tahay balamadii uu qaaday Madaxweynaha in maalinba maalinta  shacabka ay ka sii niyad jabayaan, wal wal weyn laga qabo ka run sheegida balamada uu qaaday inuu fulin karo iyo in uusan fulin karin”ayuu yiri Xildhibaan Maxamuud Abuukaate.

Waxaa uu sheegay in amnigii uu faraha ka baxay, isla markaana magaalada ay ka dhacayaan dilal lagu qaarijinayo shacabka, waxaana uu intaa ku daray inay ka cabsi qabaan in xaalada ay sidan ka sii darto.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la xusuustaa in ololihii doorashada ku galay balamo badan oo fara badan, kaasoo haatan ay muuqato in qaarkood aanu fulin, waxaana dad badan is weydiinayaan waxa iska bedelay balan-qaadkii faraha badnaa ee Madaxweynuhu sameeyay intii uu ololaha ku jiray.

Hadaba dhaliishaasi ma tahay mid wax u tari karto ama afkaar ahaan ay u qaadan karaan madaxda dowladda mana laga yaabaa inay xaalada amni ay soo hagaagsanaato ayadoo lagu wado in qorshaha amniga si wanaagsan loo dardar galiyo dhawaan.